Fariin caafimad Kawaanka caasimada hargeisa waa kawaanada africa

Fariin caafimad
Kawaanka caasimada hargeisa waa kawaanada africa ee ugu nadaafada wanaagsan marka la barbar dhigo kawaanada dalalka jaarka sida dhismaha kawaanka iyo adeegyada iyo goobaha loogu talo galay in lagu diyaariyo qaliinka xoolaha
Kawaankan oo lagu wareejiyey shirkad privite kadib markii ay dawlada hoose ku fashilantay nadaafada iyo la socodka fayaqabka hilibka qaliinka ee loogu diyaariyo bulshada
Hilibka laga keeno kawaanada gobolada dalka waa in mar kasta ay shirkada gacanta ku haysa qaliinka xoolaha ay la socoto nadaafada iyo badhista caafimaad qab ee xoolaha nool
Sidoo kale waa in ay ka howl galaan kooxo drs ah sida xanaanada xoolaha wasaarada caafimaadka iyo laamaha fayadhowrka ka hor intaan neefka la qalin si loo baadho cuduro soo raaci kara qalinka neefka hilibkiisa
Waxa kale oo loo baahanyahay in kawaanku lahaado biyo nadiif oo joogta markasta oo qayb laxaadleh ku leh nadaafada kawaanka
Hadaba waxa is waydiin leh mar hadii laga maarmay kawaanadii ay dawlada hoose ee dalku gacanta ku hayeen oo hada ay ka masuul yahiin shirkad privite oo u dhamaystirtay bahiiyadkii aasasiga ee qaliinka xoolaha nool waxa loo baahan yahay in la helo qorshe dibada loogu dhoofiyo hilib fresh ah oo ganacsi kaas oo abuuri kara dhaqaale waxsoosaar ganacsi iyo aqoonsi dalka jsl
WQ: Dr Buux Ibraahin Aadan
Fayo-dhawre madax bannaan
buux2010@gmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso