Tacsi marxuumad Hooyo Caasha Bide Buux

Tacsi

Ina Lillahi Wa ina ileyhi Raajicuun

Aniga oo ku hadlaya Magaca shacabka Somaliland ee ku dhaqan dalkan Sweden waxa aan halkan tacsi tiiraanyo leh uga diraynaa Mudane Mohamed Ibrahim Saed oo ku magac dheer Keyse oo hoyadii Hooyo Caasha Bide Buux ku geeriyootay dalkan Sweden maanta oo ay taariikhdu tahay 6/2-2018. Waxa aanu marxuumada Alle uga baryaynaa in uu Janatul Fardawsa geliyo sidoo kale Keyse oo ka mid ah odayaasha Somaliland ee dalkan ku nool Alle uga baryaynaa in uu isaga iyo ehelkaba samir iyo iimaan ka siiyo.
Sidoo kale waxa aanu war gelinaynaa shacabka ku nool Sweden in marxuumada lagu aasi doono magaalada stockholm maalinta ay bishu tahay 13/2-2018 saacadu kolka ay tahay 11;00 subaxnimo cinwaankan hoos ku qoran.
Görvälns Griftegård, Mälervägen 10, Järfälla

ALLA MAHAD LEH

Hussein Wadadyare
Madaxa Arimaha Bulshada
Ahna Ku xigeenka Wakiilka Somaliland ee dalkan Sweden

Advertisement

Ku Xayeysiiso