YAAN LAGU MASHQUULIN SHAQAALE MUSHAHARKIISU YAYAY 100 $ Halaga horaysiiyo HANTIDA WASIIRADA

YAAN LAGU MASHQUULIN SHAQAALE MUSHAHARKIISU YAYAY 100 $ Halaga horaysiiyo HANTIDA WASIIRADA


Waxay ila tahay inay waxba soo kordhinayn tirinta shaqaalaha iyo gaadiidka ee maantabilaabantay waayo?
Marka hore waxaa ka fiincan in horta la diiwaan galiyo hantida gaarka ah ee wasiirada iyo agaasimayaashu ay haystaan horaa loo yidhi oodo dhacameed siday ukala sareeyaan ayaa loo kala kuraa …

Hadaba hadii iyadoo ay taasi jirto hadana shaqaale markii horeba diiwaan gashanaa lagu mashquulo waaa ayaan darad ina haystaa ee dhanka qibradeed ama maamul ee ina haysata Aniga ra’yi ahaan waxaa ila haboon in wasiirada ayagoo fara madhan xilka qabanaaya kana tagaaya iyo milyanis haysta ,, yaan lagu mashquulin shaqaale mushaharkiisu yahay 100 $ ama milyan somaliland shiling

Waxaa layidhi Haani guntay ka tolantaa hadaba hadii run la doonaayo oo la rabo in si sax ah loo shaqeeyo marka ugu horayn waa in la horaysiiya tirinta hantida gaar aka ah ee wasiirada iyo wuxu Dastuurku u qoondeeyay inay ku shaqeeyaan ee ah gaadiid ah waayo waxaad arkaysaa nin wasiira oo inan yari untuu u yimaado u qorayaa 50 litter oo shidaal ah xaguu ka keenay badhjatkiisa waa lagaranaaya inta uu yahay

Intaasi ka dib ayaa shaqalaha loo taga lakkiin hadii xagii sare musuqmaasuq iyo eex iyo nin jeclaysi ay ka jirto xaga hoose waxba kama hagaagayaan waayo kuwii kuwan ka horeeyay ayaynu arkaynay siday wax yidhaahdeen boobkii ay kula kaceen hantidii umada mustaqbalkii dhalinta iyo dhamaan bulshada Somaliland na waxay ku rideen god madaw,, wax la xisaabtanina aanay arkaynin tanina tubtii ayuunbayku socotaa

Advertisement

Ku Xayeysiiso