Ciidamada cirka Ruushka oo Sanadkan Lagu Qalabaynaayo 100 diyaaradood iyo helikobtar aad u sareeya una Casrisan!!!


Ciidanka Ruushka ayaa sannadkan heli doona in ka badan 100 diyaaradood iyo helikobtarro cusub casrina ah.

Wasaaradda Gaashaandhigga Ruushka ayaa sheegtay in dufcadan diyaaradaha dagaalka ah ay ka mid yihiin Su-35S, Su-30SM, diyaaradaha Su -34 iyo kuwa helicopter K-52 iyo MI-28, Helicopters Mi-8 ee noocyo kala duwan ah.

Ciidanka Ruushka ayaa sidoo kale ku wareejin doona qalabkan 10 Guuto oo difaaca hawada ah S-400 iyo Sawaariikhda difaaca Cirka Gantaalada Panzer-S.

Sanadkii la soo dhaafay, ciidamada ayaa helay 200 diyaaradood iyo helicopter casri ah iyo 100 Qalabka difaaca hawada iyo qalab difaaca anti-missile, sida ay sheegtay wasaaraddu.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso