Gudaha Ka Eeg :Ciidanka Dabdemiska Somaliland Oo Nolol Ku Soo Badbaadiyey Saddex Nin Oo Ay Ku Duntay Bullaacad ku Taala Xaafad ka mida Magaalada Hargeisa

Ciidanka Dabdemiska Caasimada Hargeysa ayaa Maanta Badbaadiyay Saddex Nin oo Qodayay Bulaacad ku Taala Xaafada Jigjiga Yar Ee Magaalada Hargeysa gaar ahaan xaafada badda cas.

Ciidanka ayaa Marki i lagu Soo wargeliyay badbaadadaas isla markiiba u baxay, waxaana Ciidanku ku gaadheen wakhti yar hawlgalkaa badbaado.

Saddexdan Nin Ee ay ku duntay bullaacadaas ayaa Qodayay God ah 15 Mitir taasoo Markii Dambena ku duntay. Ciidanka ayaa badbaadadaas u adeegsaday Sallaamada,xadhkaha iyo Hoosaska taasoo Marki i Dambena Ciidanku ka soo saaray Godkaas.

Qaabka dhacadadani u dhacday ayaa waxaa ciidanka uga waramay goobjoogayaal markii dhacdadani bilaabmantay joogay waxaanay masuuliyiinta ciidanka ee hawlglaka hogaaminayay u sheegeen in laba nin oo ka mida ay banaanka ka joogeen bullaacada halka mid ka saddexaadna uu ku jiray gudaha bullaacada taasoo markii dambena saddexdoodaba la duntay, sababta oo ahayd dhulka goobtaas oo jilicsnaa. Saddexdaas nin mdikii ku jiray gudaha bullaacada ayaa dhaawac weyni ka soo gaadhay qoorta, iyadoo markii dambena loola cararay Cisbitaalka Magalada Hargeysa.

Laamaha Caafimaadka, Guddida Degmada iyo Laamaha Amaanka Ee Caasimada ayaa iyaguna hawlgalkaa Qayb ka ahaa,ugu Dambayna Ciidanka ayaa Soo Gabagabeeyay Hawlgalkaa.

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso