Hoteelada Moscow oo la sii Kiraystay 86% inta lagu jiro Koobka Adduunka ee Russia !!!!

MOSCOW – In ka badan 1,300 oo huteel ayaa helay aqoonsiyada loo baahan yahay inta lagu gudajiro Koobka Aduunka 2018-ka Russia, madaxa waaxda ciyaaraha iyo Dalxiiska Moscow Nikolay Golayev ayaa sidaa sheegay.

Tilmaamaha Hoteladan ayaa buuxiyey una hoggaansamay heerarka ay dejisay Dawladda Hoose ee Moosko.

Gulayev ayaa faahfaahin ka bixiyay xaaladda hoteelada iyo boosaska loogu talagalay caasimadda Ruushka inta lagu jiro maalmaha Koobka Adduunka ee marti gelinaya dalku xagaaga soo socda.

Gulayev ayaa sheegay in 86% qolalka huteelada ee caasimadda ah la Kiraystay xilliga Koobka Adduunka,

Muwaadiniinta Ruushka ah boosaska loo qoondeeyay waa 18%, halka muwaadiniinta Argentina, Brazil, Mexico iyo Iran ay xidheen boosaska hoteelada Qaarkood.

Tartanka waxaa lagu qaban doonaa 12 magaalo oo ku yaalla Ruushka ayna ku jirto Moscow, St. Petersburg, Kaliningrad, Volgograd, Kazan, Samara, Saransk, Sochi, Yekaterinburg, Nizhny Novgorod, iyo magaalada Rostov ee ku taal Don River.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso