Ilmihii u Horeeyey Ee Caruurta Kooxda Daacish oo Ku Noqday Dalkiisa Jarmalka!!!


Ilmihii U horeeyey ee a Dhaleen Waalidiin ka tirsan Kooxda Daacish ayaa dib ugu laabtay Dalkiisii oo ah Jarmalka si uu ula noolaado awoowgii oo Jermalka Degan, halka waalidkiis ay ku xidhan yihiin Ciraq sida uu qoray wargeyska Telegraph Sabtidii.

Wargeyska ayaa ku sheegay warbixinta in “ilmo Jarmal oo waalidkiina ku biireen ururka Daacish wakhti hore wadanka Ciraaq uu ku laabtay dalkiisii hooyo,” isagoo xusay in ilmaha jiro 14 bilood,kuna dhashay magaalada Tal Afar intii ay haysteen kooxda Daacish.

Sida laga soo xigtay wargeyska, ilmaha ayaan la magac dhabin sababtoo ah shuruucda badbaadinta carruurta waxaana loogu yeedhay “carruurta Daacish” si loogu celiyo Jarmalka.

Mas’uuliyiinta Jarmalka ayaa aaminsan in ay jiri karto in ka badan 100 caruur ah oo ay Dhaleen Muwaadiniinta Jermalka ah ee galay Daacish, waxayna ku noqon karaan Dalkoodii iyo Guryahoodii.

Waxaa qabtay waalidkiis ciidamada Ciraaq sanadkii hore kadibna ilmaha ayay sii daayeen bishii hore. Waalidiintiisa ayaa weli ku jira xabsi, halkaasoo ay kala kulmayaan eedaymo argagixisanimo iyo ku lug lahaanshaha Daacish.

“Ilmuhu waa mid aan waxba galabsan waxa waalidkiis sameeyayna waa ka bari`,” ayuu yidhi ilmaha Awowgii, diidayna in la aqoonsado.

Sida laga soo xigtay warbixinnada, xukuumadda Ciraaq waxay u sii daysay in uu ku laabto awoowgii ka dib markii wadahadalo diblomaasi dhex mareen, iyo ka dib markii baadhitaanka DNA lagu xaqiijiyo xidhiidhka Ilmaha iyo Awoowgii ka dhaxeeya .

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso