Tillerson Oo Ku Misaalay Ruushka iyo Shiinaha Dawlado Isticmaar ama Gumeysi!!!

Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka Rex Tillerson ayaa sheegay in joogitaanka sii kordhaya ee Ruushka iyo Shiinaha ee Latin America cidhiidhi gelinayso dalkiisa.

“Ruushku wuxuu sii wadaa inuu ka iibiyo Hub iyo qalab millatari maamulo aan saaxiib ahayn ixtiraamayna qiimaha dimoqraadiyadda,” ayuu yidhi wasiirka oo hadal ka jeediyay Jaamacada Texas.

Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa sheegay in lugta Shiinahu uu ku leeyahay Latin America sii kordhaayo. Wuxuuna barbardhigay nidaamka Beijing siyaasadda Dawladaha gumeysiga. “Latin America uma baahna dal cusub oo doonaya kaliya Faa`idad dadkiisa,” ayuu yidhi.

Wasiirka ayaa aaminsan in mashaariicda ay ka qabtaan Shiinahu Latin America aysan keenayn Faa`ido, Waxaanu uu carabka ku adkeeyay in Brazil, Argentina, Chile iyo Peru ay hadda ku dhaceen Dabinka Shiinaha.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso