Nafteed Haliga Isku Dhex Qarxisay Xero Qaxoonti ku Taal Nigeria !!!!!

Shan qof ayaa dhintay halka 39 kalena ay ku dhaawacmeen weerar ismiidaamin ah oo ka dhacay xero qaxoonti  oo ku taal Nigeria.

Dhacdadan ayaa  ka dhacdey xerada qaxoontiga ee Magaalada Daluri,sida uu qoray wargeyska maxalliga ah ee Nation kana soo xigtay ilaha gargaarka degdegga ah ee gobolka waqooyi bari ee Borno.

Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in naftii haligahani u soo dhuuntay xerada ka dibna ay isku qarxisey  suunka qarxa oo ay sidatay, taasoo keentay dhimashadeeda 5 qof iyo iyadii, halka mid labaad oo haweenay ahi Iyana  isku qarxisay meel u dhow hareeraha hoyga xerada iyada oo aan geysan wax dhaawac ah.

Cid Sheegatay ma jirto  mas’uuliyadda qaraxyadan, laakiin mas’uuliyiinta ayaa aaminsan in Boko Haram ay ka dambeyso dhacdada.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso