Wasaaradda difaaca Aljeeriya: Waxaanu Dilnay sarkaal ka tirsanaa ururka Al-qaacida ee Magrib

Wasaarada Difaaca Aljeeriya ayaa sheegtay in ciidankeedu ay dileen laba nin oo hubeysan oo la raadinayay tan iyo 1994-kii, mid ka mid ahina waa sarkaalka warbaahinta u qaablsan kooxda lagu magacaabo “Ururka Al-Qaacida ee dhulka Magrib.”

Wasaaradda Gaashaandhiga Aljeeriya ayaa sheegtay in ciidanku ku dileen ragan howlgal milatari oo ka dhacay Jijel bariga Algeria Salaadadii, “laba nin oo argagixiso khatar ah” mid ka mid ah waa Hisham Abu Rawaha, oo qaabilsanaa dacaayad iyo dhiirigelinta, waxayna sheegeen in ay ku biireen kooxaha hubeysan 1994.

Sida laga soo xigtay ilo isku mid ah, waa Abu Rawaha Al-Qusantini oo Algeria u dhashay magaciisa dhabta ahina waa Adil Saghiri, 46 sanno jir ah waana mid ka mid ah raggii hubeysnaa ee ugu caansan, sidoo kale wuxuuna ka mid ahaa ragii ugu horreeyay ee hubka qaatay dagaalka intii lagu jiray dagaalkii sokeeye, taasoo keentay 200,000 dhimasho inta u dhaxaysay 1992 iyo 2002, loona yaqaan Sanadhii Madooba.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso