Waa qaab nooceeya qaabka haayadda shaqaaluhu u waddo bernaamujka tirinta shaqaalaha dawliga ah

Qaabka ay u waddo Haayadda shaqaaluhu tirinta shaqaalaha dawliga ahi waa mid baal marsan qorshihii madaxweynuhu soo jeediyay oo ahaa madax taabasho.

 

“Biyo dhaca arinkaasina uu daarnaa si ay meesha uga baxaan shaqaalaha noociisa loo yaqaano (Caaglaha). Oo haayadaha dawliga ahi caan ku yihiin”.

 

Hadaba hawl-wadeenada haayada shaqaaluhu way ka baydhay qaabkii & majarihii uu soo jeediyay madaxweynaha qaranka oo ahaa in laga saaro madmadawga shaqaalaha dawladda oo ay ku jiraan dad dhintay labaatan sano ka hor. Isla markaana halkooda lagu bedelo shaqaale nool, balse haayadda shaqaaluhu runtii way majara habaabiyeen qorshihii madaxweynaha. Iyagoo u diyaarsan inay shaqaale nool oo xey ah ay meesha ka saaraan kii dhintay iska daayoo.

 

Iyadoo ay markii horeba muwaadiniinta Somaliland ay iskugu darsameen shaqo la’aan baahsan & duruuf nololeed oo aad u adag. Ayaa isla markii xukuumadda cusubi talada dalka la wareegtay ayaa waxa bilaabantay shaqaale tembereeri ah oo ku sugnaa wasaaraddaha qaarkood kuwaas oo quudareynayay inay mar uun shaqo rasmiya  ku gaadhaan si ay ugu dabaraan noloshooda.

Isagoo  dastuurka dalku u damaanad qaadayo qof kasta oo muwaadina, inuu xaq u leeyahay inuu helo shaqo taas oo ku cad qodobka 31-naad ee dastuurka JSL:

 

QODOBKA 31AAD
SHAQADA IYO FARSAMADA
1. Shaqadu waa xaq uu leeyahay, kuna waajib ah, muwaadin kasta oo gudan kara. Sidaas darteed, Dawladdu waxay xil iska saaraysaa tababarrada farsamo iyo xirfadeed ee muwaadiniinta.
2. Ka shaqeysiinta dhallinta, haweenka; shaqeynta saacadaha habeenimo iyo goobaha shaqada waxaa qeexaya Xeerka shaqada.
3. Jamhuuriyadda Somaliland waxaa ka reeban in shaqada la isku khasbo marka xeer jideeyo mooyaane.
4. Shaqaaluhu waxay xaq u leeyihiin mushahar u dhigma hawsha ay qabtaan iyaga oo u madax-bannaan in ay heshiis la galaan loo shaqeeyaha.
5. Shaqaaluhu waxay isu habeyn karaan Ururro farsamo ama Xirfadeed oo gorgortan iyo heshiis la geli kara loo-shaqeeyaha; dawladduna waxay ku dedaalaysaa in ay ka dhex abuurto shaqaalaha iyo loo shaqeeyaha is-afgarad iyada oo sidaas xeer ku soo saaraysa.

 

Maalmo ka hor waxay bilawday haayadda shaqaalaha dawladdu tirinta shaqaalaha dawliga ah iyadoo uu ahaa qaabka ay ku bilaabeen tirinta shaqaaluhu qaab jahawareer ku riday shaqaalihii la daalaa dhacayay aafooyinka abaareed, sixir barar & qiimo beelka shilinka Somaliland.

 

Anigu wxaan ka mid ahay shaqaalaha wasaaradda caafimaadka xaruntiisa ka hawlgala, hadaba hadaan isku dayo inaan wax yar ka iftiimiyo wixii aan ku soo arkay goobtaa ay ka socoto tirinta shaqaalaha dawladda. Runtii waxaan soo arkay hawl-wadeeno aan aqoon badan u lahayn shaqaalaha dawladda, isla markaana aan u wadin hawsha madax taabashada shaqaalaha oo ka duway jidkii ula jeedku ahaa. Iyagoo u bedelay qaab cunfi badani ka dhex muuqdo oo aad arkayso inay indhaha ka ridaan qof kasta oo nugul oo aan waliba u aaba yeelayn, iyada tilmaan & toosin ay u sameeyaan shaqaalaha ay tirintooda wadaan kamay jirin goobta.

Waxaan aad u xasuustaa oo aan ishayda ku arkayay dhegtaydana ku maqlayay qof sita

shahaado jaamacadeed & mid dugsi sare. Oo ay celinayaan hawl-wadeenada haayadda shaqaalahu iyagoo ku sababaynaya celintooda laba arimood:

 

  1. Warqad cadayna ka soo qaado jaamacadii amase dugsigii ku siiyay shahaadada oo ay ku soo cadeynayaan inay iyagu bixiyeen shahaadadan oo ay toodii tahay &

  2. Shahaadada aad sidataa waa foojari.

 

Sidaa darted markaan meelo badan wax ka eegay waxaan u fahmay uun sabab lagu sii yareynayo shaqaalaha dawladda oo qofkii nugul birta la dhaafinayo. Arintaas oo si cad u baal marsan hanaankii & qorshihii uu ugu talo galay madaxweynuhu.

Sababtoo ah iyaga hawshoodu may ahayn inay ilaa xadkaa socdaan & qodqodka intaa leeg inay sameeyaan.

Waayo shaqadoodu waxay ahayd inay madax taabasho uun sameeyaan cadeeyaana shaqaalaha inta saxda ah, inta caaglaha ah & inta dhimatay.

 

Waxa kale oo aad arkaysaa qof magaciisa lays waydaariyay laakin qofku sito warqad cadaynaysa inuu magacu yahay magaciisii & kaadhkii aqoonsiga oo magaciisu si cad ugu qoranyahay.

 

Ugu denbeyn waxaan madaxweynaha u sheegayaa in hawl-wadeenada haayadda shaqaaluhu majara habaabiyeen qorshihii madax taabasho ee shaqaalaha dawliga ah. Sidaa darted waxaan madaxweynaha u soo jeedinayaa inuu wefdi xaqiiqo raadina u diro xarunta haayadda shaqaalaha si ay ugu soo cadeeyaan nooca hawsha tirinta u socoto & qaabka loo wado inuu yahay kii uu soo jeedintiisa lahaa & in la baal marey oo la majara habaabiyay.

Waayo waa masuuliyadaada madaxweynaha inaan ka qabato wixii aan xaq loogu lahayn shaqaalaha dawladda oo aan markii horeba qaadin jirin mushahar ku filan noloshooda oo maantana loogu sii darey tacaddi dheeriya oo aanay xamilkeeda lahayn.

 

Alla mahad leh.

Qalinkii: garyaqaan kayse koosaar cilmi.

Advertisement

Ku Xayeysiiso