Qisaan fadhiga ugu kacay waa qisooyin badan oo xidhiidh ah ee dhagaha u sifeyso  Akhriste

Qisaan fadhiga ugu kacay waa qisooyin badan oo xidhiidh ah ee dhagaha u sifeyso  Akhriste

 

Maskaxdii migisti xaylo maryam,

Taariikhdu markay aheyd  1981 Waxa isku dhacay soomaalida oo isku shuf beeshay, sidii dabkii oo kale  ayey isla ololeen, walaalaha soomaaliyeed  meel ayay joogaanba,  badhba badhka kale   ayuu cunnay side ugaadhii,

Dawladdii soomaaliyeed iyo jabahadii, si ka fool fool ah isku galeen,  isku mashquulay, iskuna rogmadeen,

 

Kadibna Indheer-garadkii iyo aqoonyahanadii xabashidda  ayaa shir degdeg ah oo allbaabadu u xidhanyahay oo laga arrinsanayo  sidii soomali leysku kaba-raacin lahaa loogana takhlusi lahaa  galay,  maadaama ayay maanta soomali ,ayey isku jeedsatay  isna  cunneyso, in ay duulaan hal mar ah ayay isku kabo-raaciyaan,

Aragtida ay ka wada duulayeen khubaradda itoobiyay waxa ay aheyd mab’ada qudhiyay oo ku asteysnaa cadawtinimada soomalida iyo in ay isku mid yihiin, oo ay dhamaantood nacab ay ku yihiin jirtaanka itoobiyay,

Madaxdii iyo aqoonyahanadii xabashida ayaa shirkaa ka soo qeybgalay

 

 

 

Shirkii ayaa la bilaabay waxana lagu bilaabay oo miiska dhigay  in ay soomali madax iskula jiraan  ayayna tahay guul weyn oo itoobiyaanka u soo hoytay,

Waxa la soo jeediyey  in laga tashadu sidii soomaali  meesha looga saari-lahaa  maadaama ay yihiin cadawga kaliyee taariikhiga ah ee ay itoobiye leedahay,  dood weyn baa loo kala baxay aragtiyo halis ku ah ummadda soomaliyeed ayaa leys weydaarsaday,waxayna  isku raaceen in ay tahay naq-roob oo itoobiyay  u da’ay , iyo fursada tahabiyay   in maanta soomaali inta ay isku jeedaan weerar lagu eekeeyo,  oo sidaa lagu burburiy, iyada oo gacanta mar la wada saarayo,

Kadiba aqoonyahanaddii iyo khubaradii  colaadinta soomalida u bislaaday,bmarkii ay taladda goosteen ay ogaadeen in aanay taladna uu  ka maqan yahay  ruug-cadaagii iyo aabihii  itoobiyay migiste xaylo maryam aan laga talo-galin,Talada ku haboon soomaali  burburinteed,

 

Migisto xaylo maryam nin aad u maskax weyn oo aad u caqli wanaagsan yuu ahaa   oo mucjiso ah,

Waxa  qasaba noqotay in ay la faqaan  oo ay kala shawraan, migiste,

Waxa ay weydiiyeen soomali maanta weerar cirka iyo dhulka  ah  oo aanu fursadda ka faa’ideysano ayaannu damacsanahay ee ka warran xaylo,

Ka dibna waxa ugu warceliyey maanta waa maalintii weynayd ee seddaxda illaah aan xusi jirey, ee orda oo iga tag, bari ii kaalay, tallo wacan aniga ayaa idin  hayee,

Markii  ay maalintii gaadhay   uu waagii baryey   ayey khubaradii iyo aqoonyahanaddii isku yimaadeen si ay u hellaan taladda ugu wacan ee soomali lagaga takhalus karo,

 

Migisto  xaylo maryam ayaa indhaha oo dhan ficiladiisa ayaa isha lagu wada hayaa, waxa uu odhan doonana dhegaha ayaa loo sii safeysta si loo weeleeyo, bal taladu loo eego taladu la shirt ago,

 

Waxa  ayay ku yidhaahdeen  nooga waran balantii aanu isku ogeyn,,

Waxa uu ku yidhi samacan wadaan,

Waxa uu amaray in la keeno laba ayay  iyo waraabe ka dibna yeyga qol gaar ah lagu xidho ,

Dabadeedna waxa uu migiste amray in  leysku diro labada ey , labadii ey ayaa leysku diray  dagaal ba’an ayaa dhex maray  oo ay iskaga dhiijiyeen isna cunneen , illmaa ayay ku sigteen in ay isku nafbaaxa kuna dhawaadaan dhimaad,

Isla goobtii haddana waxa uu amaray migista in waraabaha  la soo daayo oo labada ey  oo isku jeedda oo is cunnay lagu soo daayo waraabaha, allbaabkii ayaa laga furay waraabihii,

kadibana waxa  ay go’aanasadeen labadii ey in ay heshiiyaan iyagu dhexdooda waxana ay isku waafaqeen in ay meel ugu soo wadajeestaan waraabaha, naxariis ayay isku hayaan ayaa meeshii timid ka dibna waxa ay ku boodeen raabihii isla markaan wey dileen,

 

Ka diba  migist xaylo maryam  waxa uu soo qaabilay  dhammaan qolahii,

Waxana uu ku yidhi maanta dhacdadan waraabahan iyo labada ey wax ay tusaale u yidhiin itoobiyay iyo soomalida,

Waayo haddaana maanta soomali ku duulno dan ayay u heshiin doonaa inta ayay illoobaan colaadda sokeeye ee dhexdooda, ayay cadowgooga meel ugu soo wada jeedsan-doonaan,

Bi waaye aynu isku deyno,  Aynu isku daawano, ha isku cunaan,

Shaqada kaliyee inooga banana maanta cadawgiina aynu ku adhax-jibin-karnaa waa in aynu jabahadda  dawladda dumiska hubka ku taageerno awoodna aynu ku xoojino,hoos-hoosna aynu ka wadno, oo yaan la’idin dareemin in aad burburka soomalida  ay idin hurineysaan,

gu’ weyn oo u  curtay itoobiyey ayay ka dhigan tahay jabahada SML SFD, IN aan maanta is garabtaagnaa,Soomalina wax ay u tahay burburka koobaad  ee ay hoosteen soo gali-doonaa,

Ha ku qaadin  dagaal weyn oo ay ina dareemaan, balse kolba kii maciin ina soo bi’da aynu  ku taageerno hub iyo ciidan  iyo cudud  wixii ay nooga baahdaan jabahadaasi aynu ku xoojino,

Hore ayaa loo yidhi lafo geel iyaga leysku jabiyaayey, ee aynu soomali aynu isku jibno,

Burburka kadibna  dusha ka xukun, iyada oo aanay wax rafaad ah  inaga soo gaadhin  gumeynta  ummadda soomaliyeed,

Fikirkii iyo taladii migiste xaylo maryam , aad iyo aad ayaa loogu khushuucay  rayi- suuban  ayaa lagu suntay, aragtidaas ayay xabashidii ku haw-gashay,

Taariikhda itoobiyay  wax-qab weyn   ayuu u hirgaliy boqor migiste xaylo maryam, waxana uu ku guuleystay in uu illaaliyo hidaha iyo dhaqanka iyo mucatabka geeska afrika ugu weyn, waxana uu noqday boqorka kaliyee meesha ka saaray  awood cadawga soo jireenka ah ee ayay itoobiya leedahay. Oo ah islaamnimada iyo soomalinimada

Waxa kaloo uu burburiyey  riyadii  soomali ay ku riyoon jirtay waligeed oo ah, in dawladda adeg oo soomaliyeed ku mideysan tahay loo hello cadawga xamaaradda xunka ah,

Himiladii weyneyda ee ummadda soomaliyeed  wax badelay maamul qoboleedyo yar yar oo ku dhisan saami-qeybsi beeleed   oo magac iyo shaadh dawladeeda gashaday, oo badhba badhka kale nacdalayo,  cadawna isku arka,  lidna isku ah, waxana ay ku dadaashaa mid walba in ay ugu dheereyso la saaxiibida  shisheeyaha nacabka ah , oo  ayay  miciin bidaan, midba mid ka kale ayuu doonayaa in uu isku xoojiyo si  u cago isugu taago, waa in uu colaadsadaa maamulka-goboleedka  ugu dhaw, saaxiib qaaliyana ay ka dhigtaan wax ay u bixiyeen,(walaalkeegan  jaarka ah,) (saaxiibkiigan qaaliga ah) (walaalkeenna daris ka ah) oo ay ula jeedaa shisheeyaha cadaawada guunka ah soomali ay ka dhexayso,

waxaas ayaa matala ummadda soomaliyeed maanta,  saw musiibo maah!

Waxa aan leeyahay maamul-qoboleed shaadh dawladeed xidhay waa sidii bisad shaadh libaax xidhatay, wa ficlan sidaas ayay arintu tahay, oo maamul goboleedada soomaliyeed waa bisada shaadh libaax xidhan, ummadna cadaw kagama filnaan karaan , ina looga soo dhaco dhankooga mooyaane,  dhinacooga ayaana looga soo dhacay ummada, waayo faro-galinkasta  wax ay cadawgu u soo maraan maamul-goboleedyada,  tusaale yar waxa kuugu filin keenaya wax ay bada u soo martay  maamulka jubo-laan itoobiyana dekada Barbara in ay wax ku yeelato wax ay u soomartay maamulka Somaliland taasin wax ay muujineysaa ugu yaraan hadimada ay ku hayaan maamul qoboleedyadu jiritaanka ummadda soomaliyeed, waa in la hellaa awood milatari oo laga takhluso bisadahaa shaadh dawladeed  qaatay, haddii la doonayo in ummadda. soomaliyeed  sii jirto[1],  xittaa haddii ay jiraan maamul-qoboleedyadu waa in  la sameeyaaa awood  dhex oo lagu mideysan yahay taas oo leh  maamulka guud taladuna  ka soo go’do, wixii  ay u yeedhiyo maamulkaas dhexna ay ku socdaan,taasina waxa ay imaneysaa marka la sameeyo awood-weyn oo milatariy ah oo gacanta ku heys maamul-qoboleedada sida  ay  u dhisantahay dawlada markeynkan ka oo kale.

.

Tallow soomali ma ka dhalan doonaa wiil soo celin kara burjigii iyo heybadii soomali ay ku laheyd  geeska afrika? ,

Goormaa la helli-doonaa cadaw soomaliyeed oo ka heybadeysta  waxna isaga  tirinaya ?

Ayaamuhu ma soo celindoonaa awood soomaliyeed oo mideysan  oo aanu nacab faro galin tallow?

Tallow ummadda soomaliyeed ma helli-doonaa  dawladda weyn  oo la dagaalanta jahliga iyo saboolnimada  iyo qeybsanaanta,

Su’aalahan wax la moodaa in ay yihiin wax aan suurto-gal aheyn casrigan maanta ah,                        Balse Waa xil wiilasha soomaliyeed saaran meel kasta ay joogaan inay ka jawaabaan su’aalahaas. Kana fikiraan sida xal loogu heli lahaa,

Tiiyoo Oofta Laga Jaray, Oofi  Wacadkiiye

Waxyaalaha Mudnaanta Leh  Iyo Balan Oofinta  Samaw’al,  Waa Sheeko Aad U Xiiso Badan

Waxa  Uu Ahaa  Nin Caan Ah Oo Magaciisa La ,Casru Jaahiliga Aheyd, Sidoo Kale  Wax Jir Nin La Odhan Jiray Imra’al Qeysa, Oo Ahaa Gabyaa Caan Ah,

Waxa Haddaba  La Yidha  Abwaan  Imra’a Qeys Ayaa Waxa Uu Doonay In Uu U Socdaalo  Boqorkii Weynaa Ee Reer Yurub  Ee La Odhan Jiray (Qeysar) Waxa Uu Allaabtiisii Oo Aheyd Diracyadda  Dagaalka  Iyo Hub  Culus Ah  Iyo Allaabo Faro Badan  Oo Qaali Ahaa, U  Dhiibay,Ninkii Samaw’al

Haddaaba Markii Uu Imru  Qaysa  Dhintay, Boqorkii Yurub Ee Qeysar,  La Odhan Jiray Ayaa  Wax Uu Soo Diray  Diracyaddii Iyo Ayaa Hubkii Uu  U Sii Dhiibtay  Samaw’al  , Waxana Uu Yidhi  Uu Ku Diriqiyey In Uu Xeeladda  Uu Kaga Qaado  Xoolihii  U Ammaaneysiiyay Imra’ala Qeysa,

Haddaba   U Ma Dhiibayo Alaabta  Aan Hayn  Ee Boqorku Doonayo , Illaaa  Cidda   Xaq U Leh,  Waa U Diiday  Samaw’al , In Uu Bixiyo   Waxana  Uu Yidhi  Samwa’ale  Anigu Burin-Maayo D Ammaanadda  Aan  Qaaday , Ammaanadeyda  Khiyaameyn Maayo,  Kanna  Tagimaayo Waajibka  I Saran Ee Ah In Aan Balanta Oofiyo Dadka Xaqoogana Dhawro,

Waxa Uu Boqorku Kisra  Go’aansaday  In Uu Ciidamo  Ku Kiciyo,  Waxana Uu U  Soo Galay Samwa’al Oo  Oo   Dhufeysa Iyo Qalcad Gurigiisa Ka Hor –Dhisneyd  Ku Jira  , Oo Boqorkii Ayaa Digiin Culus U Siiyay Haddii Uu Soo Bixin Waayo Allaabta Dhinaciisa Taalla Ninkii Samwa’al Uu Ku Maddax Adeyga  Uu Diiday In Uu Bixiyo Allaabta  Iyo In Uu U Soo Baxo,

Boqorkii Iyo  Ciidamadiisa Way Godoominyeen Samwa’al  Wax Uu  Lahaa  Wiil Yar Oo Ku Sugnaa  Dhufeyskiisa Meel Ka  Baxsan , Ka Bacdi Boqorkii Ayaa  Cidlo Ka  Helay Wiilkii Yaraa  Ee Samwa’la   Ee Kaga Jiray, Wiilkiisa Yaraa Oo Qeylyaya  Markii  Uu Boqorkii Ayaa Waxa Uu  Yidhi ( Inankaaga Waan Qafaashay  Waanna Kaas Gacanteyda Ayuu Ku Jiraa  Adeer Haddaad  Ii Dhibto  Aniga Diricii Iyo Hubkii , Waan Kaa Tagayaa , Wiilkaaga Gacanta Ayaan Kaa Soo Galinayaa, Hadaad Diido  Arintaa , Waxa Aan  Qawrici-Doonaa Wiilkaaga Adiga Oo Daawanaya Hortaada , Bal Niyow Labadaa Arrin Mid –Kaad  Doonto Dooro,

Waxa Ugu Warceliyey Samaw’al   (Ma  I Hi   Mid  Khiyaameynaayay  Maganteyda , Oo Burburinaayay Ofinta Wacadka Qawlka Aan Qaaday Iyo Balanta Aan Galay  Ee Samee Waxa Aad Doonto !

Allaah Waa Dhacdo Dhab Ah  Oon Laga Adkeysan Karin Boqorkii Waxa Uu Qalay Wiilkii Yaraa Ee Samwa’al Isagoo Arkaaya ,

 

 

Dabadeedna  Boqorku  Waxa Uu K Acaajisay Qalcadii Iyo Dhufeyskii Samaw’al  Waxana Uu Go’aansaday In Ugu Tago ,Waanna Uu Laabtay  Isagoo  Ku Hungoobay Gacan Ku Dhigistiisa ,

Samaw’al Samir Iyo  Iimaan  Ayuu Gudoonsaday  Naftiisa Buu Ugu Tacsiyadeeyay  Dhibaatadda Soo Gaadhay , Waxan Uu Ku Sabray Ilaalinta  Balantiisa Iyo Wacadkii Uu Qaaday,

 

 

Muddo Ka Diba Dhacdaasa Markay Wakhti Badan Ka Soo Wareegay   Ayaa Waxa Soo Galay  Wakhtigii Uu Allaabta Ammaanadda Ah Uu Celin Lahaa.

Waxa  Yimid  Wiilashii Uu  Dhalay Imruqaysa Iyaga Oo Doonay Amaanadii Uu Aabahood  Samaw’al U Wadeecaysiiyay In Ay Ka Soo Xishadaan,

Ka Dibna Samaw’al  Waa U Gudoonsiiyay  Ammaanadii  Gacanta Uu Ka Galay , Diracyadii Iyo  Hubkii Iyo Qalabkii Oo Dhan ,

Waxana Uu  U Arkay  Sawaw’al  In Amaanadda  Oo La Illaaliyaa Ay  Ka Qaalisantahay Nafta Wiilkiisa, Waxana Uu Is Dareen Galay In Ammaano La Waayaa Ay Ka Weyntahay Wiilkiisa Oo Uu Waayo, U Hawlgalida Illaalinta Ammaanada Waxa U Arkay  In Ay Tahay Mudnaanta Gobonimada , Gobanimadaas Oo Uu Ka Jecleystay Nolosha Inankiisu In Ay Sii Jirto.

Isagoo Arintaas Ku Dhaadanay Waxa Uu Yidh Tixo  Taariikhda Galay, Oo Ah

(Wafeyto  Bi Adruci Kandiye  Inni  Idaa Maa Khan Qawmin  Wafeyto,)

 

Diradiraale Ma  Daahiro,

 

Waxa La Sheegaa Ninbaa Wax Uu Arkay Wiil Yar Oo La  Iibinayo , Oo  Wax Nusqaan Ah Laheyn Wax Aan Ka Aheyn In  Uu Yahay Diro-Diraale (Namiimiyey) Dadka Warka Dhiiladda Ah Dadka U Kala Ra’ra,

Ciibtiisii  Ayuu Sahashadday  Waxna  Uu Keensadady Gurigiisa , Waxa Uu Wiilkii Yaraa  Ninka La Joogay  Muddo Badan , Dabadeeda Waxa  Uu Bilaabay Wiilkii Yaraaa Dabeecadii U Lahaa In Uu Dhaqan-Galiyo,

Diro-Diraalihii Uu Lahaa Wiilka Yar Meel Kale La Muu Qaban  Ninkii  Heyey Ee Uu La Joogay  Ayuu Ka Dhex Bilaabay  Waxa Uu Maalmo Sugaba  Waxa Uu Oodda Ka Qaaday  Isku Dirkii Xirfadda U Aheyd,

 

 

Waxa  Uu Wiilkii Uu Xeeladeysata In Uu Isku Diro, Qoyskii Uu Lajoogay Labaddii Lammaanaha Isku Ahaa Ayuu Doonay In Uu Ka Dhex Adeego , Si Uu Isk Diro Waxa  U Yeelay Sidan:-

Ninkii Gurigiisa  Uu Deganaa Ayuu Ku Yidh Gabadhiisa  Naa Ninkaago Wax Uuu Doonayaa In Uu Kula  Guurasaddo,Waxana Hadalka Ugu Ladhay , Kuma Jecla  Ninkaago , Madooneysaa In Aad  U Dhibirsanaado Oo U Iska Daayo Naag Kale  In  Uu Kul A Guursado , Waxa Aad Sameysaa Marka Uu Siixdo Qaado Makiinadda Gadhka Lagu Xiiro Oo Kaga  Xiir  Timaha  Ayaa Ka Batay Badhna U Daa, Talladdaa Uu Siiyey Wiilkaa Dira-Diraalaha Wey Qaadatay  Oo Ay Aqbashay In Ay Fuliso

,

Haweenaydii Waxa Ay Go’aansatay Arrintii  Aheyd Ninkiidu Marka Uu Yimaadu Ee Uu Siixday  In Ay Timaha Ka Xiirto,

 

Wiilkii Yaraa Haddaba Waxa  Uu Utagay Ninkii Markaas Ku Yidhi  Sayidkaygiiyo , Gabadhaado Wax Ay Sameysatay Saaxiibo Ay Leedahay  Oo Ay Jeceshahay  Oo Adiga Aheyn, Waxana Ay Dooneysa In Ay Kaa Takhlusto   Waxa Ay Damacday In Ay Ku Disho Oo Ay Ku Qawracdo Caawo ,

Waxana Ugu Hadalka Ugu Daray Ma Dooneysaa In Aad  Arintaas Ogaato Caawo Marka Ay Kuu Timaado Waxa Ay Soo Qaadan Doontaa Midi Yar Oo Ay  Gacanta Midiga Ku Sidato  Taas Oo Ay  Dooneyso In Ay Kugu Qawracdo Naftaad.

Ninkii Uu Rumeysta Wiilkii Yaraa  Markii Uu Habeen Ay Noqotay  Wax Mididii Sidata  Si Ay Ugu Xiirto Ninkiiga  Gadhka Hoostiisa,

Ninkiina Waxa Uu Iska Dhigay Mid Lulo Heyso Una Is Yar Gamaariye,Waxna Uu Naftiisa Ugu Sheekeeyay Warkii Wiilka Yar U Sheegay In Ay Run Aheyd,

Marka Ay Gacanta Saartay  Gadhkiisa  Si Ay Ugu  Xiirto Ee Gacantiida U La Tagtay Oo Ay Gadhkii Ay Gabi-Ahaanba Ay Sakiintii Saartay ,

Ninkii Inta Uu Durbadiiba  Booday Ayuu Ka Qaaday Mididii Gaacanteedii  Markaasu Ku Qawracay  Iyaddii  Bahashii Ay Sidatay,

 

Dabadeedna  Wax Yimid  Inanta  Uu Qawracay Ehelkeeda Wax Ay Arkeen Inantoodii Oo La Dilay Waxna Ay Dileen Ninkii,

Halkii Buuna Ka Qarxay Dagaal  Labadii Beelood  Ee Ay K Asoo Kala Jeedeen ,Oo Khasaar badan Oo Naf Iyo Maalba Leh Lagu Waayey.

 

 

Balaayaddii Uu Dhigay  Wiilkaa Yar Dirdiraalaha  Ahaa  Ayay Fidno Ka Alloosantahay

NUXURKA SHEEKADDA

Dira Diraaluhu Meel Kasta Ha Joogee Waxa Uu Ka Shaqeeyaa Dadka Kala Dilkiisa  Iyo Isku Dirkiisa.

 

 

Dumarku Waa Seddax

Wax La Yidhi  Ibnu Xabiib Nin La Yidhaahdo  Ayaa Maalin Maalimaha Ka Mid Ah Ka Sheekeeyay  Nin Ku Dhaartay In Aanu Guursaneyn Jeero U La Tashado  Boqol Qofk Isagoo Baadi-Goobay Ta Mudnaanta Leh Ee Hablaha Ugu Sidata Ee Marwo In Ay Noqoto Ku Haboon,

Ka Dibna Waxa Uu La Tashaday Sagaal Iyo Sagaashan Qof Ah Waxana Ka Dhinnaa  Qof Qudhiya,

 

Waxa U Ubaxay  Isagoo  Wadyiinayay Cidkasta U La Kulmo , Mise Wax  Si Kadisa Ah La Kulmay  Nin Waalan , Kaasoo Goorta Toori Ugu Sudhanyahay  Oo Ay Waaji Madaw Oo Socda,

Dabadeedna Uu Salaamay  Ninkii Waxna Uu Ku Yidhi Waxa Aan Doonayaa In Aan Ku Waydeeyo Su’aal Ee Iga Jawaab Saaxiib.

Waxa Uu Ku Yidhi Wax Aad I Weydiisan  Wixii Dantaadaha Waxa Aan Kaaga Digayaa Waxa Aan Dantaada Aheyn In Aad I Weydiiso ,  Ninka Waxa Uu Yidh Waxa Aan Ahey Nin Dumarka Kala Kulmay Dhibaato  Iyo Rafaad Weyn , Ka Dibna Waxa Aan Ku Dhaartay In Aan An Guurasan  Jeeroo  Aan La Tashado Boqol Qof  Adiguna Waxaad Noqoneysaa Qofkii Boqolaad Ee Maxaad Igula Talin Laheyd,?

 

 

Aan Kula Taliyee  Dumarku Waa Seddax

  • Mid Adiga Ayaa Leh,
  • Midna Iyadaa Ku Leh,
  • Midna Adigu Ma Lihid

Ta Koobaad Waa Gabadh Yar  Oo Shabad Ah Dhibirsan  Oon Hortaa Rag Baran,  Oo Hadday Kheyr Kugu Aragto Mahadisa, Shar Hadday Kug Argtan  Shibta-Gasha, Asturta,

Ta Labaad  Waa Ta Leh  Ilmo Yar  U Dhashay  Qeyrkaa Taasi Way Boobtaa  Xoolahaaga  Inankiiga Ayay Siisaa Kaagama  Mahadcelis Wax Walbood Qabato,

Ta Saddex  Adigu Aanad Laheyn Waa Gabadh  Soo Guursatay  Nin Hore  Qeyrkaaga , Hadday Kugu Aragto  Khayr Wax Ay Ku Odhanaysaa, Sidaas Baana Jeclahay, Hadday Shar Kugu Argtan Waxa Ay  Ku Barbardhigtaa  Oo Ay Xustaa Ninkiigii Hore Wanaagiisii Raganimadiisii,

Tanna Waa Xaaladdaha Dumarka  Waanna Kuu Sharaxay  Haddaad Doonto  Ku Dhaqan, Oo Door Ta Wacan Haddii Kale  Yeelkaa.

 

Isku Dawee Sadaqo,

Muddo Badan Ay Isku  Qabeen Lammaane , Waxna  Ay Ku Noolaayeen  Khilaaf Iyo Karaahi  Sababtooah Wax Ay Haweenaydiisu Aheyd Gabadh Dhicid Badan  Oo Wiilka Ay Dhashaba  U Quban Jiray , Taas Baa Nacbaanshuhuud Kor  U Sii Hurisay

 

Haddaba  Maalin Bay Heshiiyeen  Lammaanihii Maantaas  Oo Ay Aad U Faraxsanaayeen Way Ka Sheekeysteen   Nimay Saaxiibo  Yihiin Oo Caydh Ah Wax La Soo Darsay Xaaladda  Duruuf Adag Ah , Waxa Ku Dhacay Meheradiisa  Yaraydna Ay Ka Kacday  Dab, Ka Dibna  Gurigii Laga Saaray  Oo Cidlo Iyo Caydh Isku Baxay,

 

Arrintaa Naxdinta Leh  Ee La Soo Darsatay  Ninka Ay Saaxiibadda  Yihin  Wax Ay  Ay Ku Talisay Xaaskiisa    Wax Aynu Siinayaa  Dabkeyga Lacga Waxa  Xoogaha, Balse Waxba Kamad Doonayo Ninkaa Wax Aan K Aheyn In Uu  Ii Duceeyo ,

 

Ninkii Ooridiisa Waxa Uu Ka Qaaday Dahabkii Ay Bixisay  Xaaskiiso Waxa  Uu U Geeyay Ninkii  Muslafay Ee Ay Saaxiiba Ahaayeen ,

 

Gacanta Ayuu Ka Galiyay  Dahabkii  Ninkii Inta Uu Fadhiistay Ayuu Farxada   La  Ilmeeyay Oo Uu Habeenkii Oo Dhan  U Duceeyay  ,

 

Mudo Ka Diba  Faliga Alle  Awgeed  Gabadhii Waxa Ay  Dhashay Wiil Aan Dhicis Aheyn, Xaaladeediina Way Wacnaatay  Waxna Gabadhii Ka Soo Muuqday  Astaamaihii  Farxada Iyo Reyn-Reynta  Oo Gurigii Dhexdiisa Ku Baahay,

 

Taasna Waxa Sabab U Noqotay  Sadaqadii Alle Darteed Ay Kula Baxday Ayey Kaga Baqaasatay   Dhicintii  Iyo Dhibtii Gurigiiga Ka Jiray,

Reerkii Waxa Ay  Ku Barakoobeen Sadaqadii Waxna Ay Noqodeen Maal-Qabeen Afarta Maal Aduun Meel Iska Dhigay.

 

Mudo Ka Diba Markii Uu Wiilkii Taabo-Gal Noqotay Nasiib Daro Wax Ku Dhacay Cudur Xun Oo Cilankiisa Saari Waayay, Qadarka Alle Awgeed,

Waa Reer Sadaqada Ku Caano Maalay Oo Kheyrkiiga Iyo Barakadiida Ku Caano Shubatay, Sadaqadii Wey Illoobeen , Maadaama Ay Lacag Heystaan Oo Ay Dhakhtar Walba Ay Wiilkooga Geysan Karaan ,  Waxa Ay Is Dareen Siiyeen In Aanay Manta Duco Iyo Habaartoon U Baahneyn In Ay Xaliyaan Mushkiladda La Soo Daristay Xalinteedu ,Wiilkii Yaraa Waxa Loo Qaaday Dalal Badan Oo Yurub Iyo Mareynkanba Leh Si Xaafimaad  Loogu Soo Hello, Balse Waxba Ka Ma Hellin,

Ka Diba Marka Ay Quus Galinyeen Dhakhtarkasta Oo Uu Tago,Waxa Uu  Ogaaday In Uu Wiilkiisa Ay U Dhamaatay Oon Xal Oo Helay In Uu Caafimaadaan Aan Suuro-Gal Aheyn, Waxa La Soo Darsay Warwar Badan Iyo Walaac Uu Ka Qabo Caafimaadka Wiilkiisa , Jeer Uu Jeclaystay In Uu Hantidiisa Oo Dhan Uu Waayo, Baddelkiigana Uu Hello Caafimaadka Wiilkiisa, Haddaaba Maalin Maalimaha Ka Mid Ah  Ayuu  Ninkii  Soo Maray  Nin  Kitaab  Akhrinay Isla Markaana  Wax Ku Sugnaa  Xadiis Macnahiisa Yahay  (Daawo   Mardaa Kuma Bisadaq) Oo Macnihiigu Yahay   Ku Daweeyay  Bukaankiina Sadaqo,

 

 

Isla Laxdadiiba Waxa  U Qaatay  Ninkii Waxoogaha Lacag Ah  Si U U  Dhaqan-Galiy Xadiiskaa Uu Maqlay Ka Dibna Waxa Uu Helay Islaan Gabooday Oo Faqiiradda Ah , Waxna Uu  Siiyay  Islaantii Lacagtii U Siday Waxana Uu Ku Laabtay Gurigiisa,

Mise Waaba  Isla Judhiibaha   Waa Caafimaadka Wiilkiisa  Oo  Si Kadis Ah U Neefsanay , U Qaadan Waay Ayay Ku Noqotay ,

Waxa Ii Arkay Inankiisiiyoo Oo Ay Ka Soomudhtire Astaamihii  Caafimaadku  Sixadda ,.  Waxaa Uu Odaygii  Waydiiay Aabo Maxaa Dhacay?

 

 

Waxa  Ugu  Warcelay , Garan Maayo Aabo  Si Kadis Ah  Ayaan U Dareemay Caafimaadka  Jidhkayga Ku Saaqay Iguna Fiday,  Waxa U Qaaday  Odayee  Inankiisa Yaraa  Dhakhtaraddii Yurub  Ee  Si Uu Soo Xaqiijiyo Xaladiisa Caafimaad  Una Soo Baadho,  Mar Labaad .

Ka Dis Buu Ahaa  Waxa  U Ku Yidhi Dhakhtarkii:- Waar Maxaad  Ku Samaysa, Cudurkii  Uu Ka Tagay  Jidhkiisa Dhammaatii  Wiilka ,

Wax Uu Odaygii Ugu Waramay  In Uu Maqlay Xadiis Nabi Maxamed Csw Uu  Yidhi Ku Camal Falay  Oo Ah :- Daawuu  Mardaakum Bisadaq , Oo  Macnihiisu Yahay  Dadkiina Buka Ku Daweeyay , Aniguna Sadaqo Ayaan U Niyooday Wiilkayga In Uu Alle Ku Shifeeyo,

 

Judhiiba Si Kadis Ah Waxaa Lama Filaan Aheyd  In Uu Si Dhab Alle U Shaafiyey

Mucjisada  Wiilka Yar Iyo Aan Ka Arkay  Runimada  Rasuulkiisa Maxamaed Ahaa Scw.

 

Booraan Hadimo Ha Qodin Ku Dhici-Doontaa Mooyiye?

Waxa Jiray  Nin Ganacasade Ah  Oo Hanta Badan Lahaa , Wax Uu Ka Shaqayn Jiray Ganacsiyo Badan Oo Ugu Kala Gooshi-Jiray Dalal Faro Badan  Si Uu U Horamariyo Dhaqaalihiisa ,  Dalaalka U Mari-Jiray Way Badnaayeen Kolba  Gobal Cusub  Ayuu  Dhex Mushaaxi Jiray ,

Waxa Uu Ahaa  Nin Muslimaha  Oo Salaad Salaad Ku Darin  Oo Soon Badan  Gacan-Furan  , Waxa U Ahaa Mid Guta Xilka Ka Saaran  Dadka Iyo Rabigiisaba , Xalaal Meerad Ah

 

Hadaba Safaradiisa Ganacsi  Qaar Ka Mid Ahaa  Wakhtigaas Wax Ay Aheyd Xili Ay Abaaro Ban Ay Ka Taagnaayeen Halkaaso Hantidiisa  Ay Soo Gaadhay Khasaare Balaadhan ,

Haddaba  Galab Ka Mid Ah Ayaamaha  Ayuu Wax Uu Gaadhay Tuulo  Oo Ku Taalay Waddada  Uu Maray Ee Gaadhsineysa Caasimada Uu Ka Socday Meeshii Buu Gabalkii Ugu Dhacay  Waxa Uu Allbaabka Ku Qaraacay  Guri  Ka Mid Ah Guriyihii,  Hadaba  Markii  Uu  U Soo Baxay Ninkii Guriga  Lahaa, Waxa Uu U Waramay In U Marti Alaheed Alle Yahay U Yahay, Oo Uu Doonayo  In Uu Caawo  Ku Baryo  Gurigiisa ,

Haddii  Ay Aroortu Timaadan  In Uu Ka Sii Jarmaadi-Doono, Xiligaasna Ma Jira Huteel Lagu Hagaago  Oo La Seexdo Balse Dadku Wey Is Heybsan Jireen Weyn Is Martigalin Jireen,Qofkasta Oo Qariib Ah Waxa U Sameyn Jiray Reerka Ugu Dhaw Ayuu Dul-Saar Iyo Marti Ku Ahaa,

Run Ahaantii Ninku Guriga Lah Markii La Martiyey, Waxa Uu Gudo-Galay  Inuu Ku Qaabilo Gacmo Furan Martigiisa ,  Halkaas Oo  U Soo Dhigay Marti Sooryo Wacan , Iyo Cabitaan Aan Saxasho Laheyn,

Ninkii La Martiyay Waxa Uu Lahaa  Laba Qol Oo Yaryar Midna Waa Galayey Isaga Iyo  Xaaskiisa  Qolna Waxa Galay  Wiilkan Yarbaa La Seexin Jiray,  Waxa Uu Damacay Ninkii La Martiyay In Uu Seexiyo Martigiisa Qolka Wiilkiisa Yar Uu Caawo La Seexdo,  Waxa Ay Ku Uruureen Qoyskii  Sida Loo Raali Galin Lahaa Marti Cusub , Wax Allaali Wxii Cunto  Ay Cabitaan Ay Hayeen Habeenkii Way Soo Xaadiryeen  Sheeko Wacan Ay Habeenkaa Qurrabadii Heysa Ay Kaga Duuliyeen ,

Waxa Ay Bilaabeen In Ay Ku Saamaleylaan Sheekooyin Kal Duwan Sheekaddaa Ay Is Weydaarsadeen  Dhexdeeda Ayuu Ka Ogaaday In  U Martigiisu Yahay  Maal-Qabeen Weyn  Oo Hantiilaha,

 

Markii Ay Saqdii Dhex Tahay Ee Uu Seexday Martigii  Qolka Wiilkiisa Yar U Seexan Jiray,Wiilkiisa Yaraa Waxa Uu Seexday Dhinac Bidix, Martigiin Dhinac Midiga , Ka Diba Marka Uu Hubsaday In Uu Martigiisa Uu Helay  Raaxo Dhameystiran  Iyo Wxii U Ubaahnaa Ka Dibna U Ka Tagay  Si U U Seexdo Gurigiisa.

Qolkiisa Isagoo Ku Sugan Ay Haweenaydiisa Ku Soo Fikir  Ku Soo Tuurtay  Waxa Ku Soo Dhacday Fikirada Sheydaan Taas Oo Odhaneysa, ( Waar Yaahe  Ilaa Guuramaynu  Ka Baxaynaa  Saboolnimadana , Waar Martigiinu Waa Hantiile, Aduunka Aad Ayay  Ugu Baahan Ee Ninka Dil Oo Xoolihiisa Aynu U Hadhno , Mudo Badan Ayaanu Aheyn Qaadaa Madhargi, Ee Maanta Furasadda Ka Faa’dee,

Jaanis Beynu Heysanaa Uma Maleynayo In Ay Na Soo Mari-Doonto Furasadda La Mid Ah Waligeen Tan  Caawo Oo Kale  Ee Yaanu Waagu Inooga Barryin,

Dabadeedna  Ninkii Baa Waxa Uuu Yidhi  Sidii Baynu Martigiina Xoolihiisa Iyo Lacagtiisa Ugu Qaadanaa?   Sidii Bay Suuro-Gal Ku Tahay,

Gabadhii Waxa Ay Soo Jeedisay In L Adilo Ninka Oo God Lagu Tuuro  Doox U Dhaw Oo Ay Aanay Cid Ogaanay In Aan Geysan Faldanbiyeedkan,

Ninkii Taladii Ooridiisa Wuu  Ku Xasilay  Waanay Ka Dhaadhicisay   Waxa Ay U Jilcisaba  Oo Ay Ku Celcelisaba  In Uu Ku Dhiirado Dilka Martigiisa,

Si Ay  Haweenaydeediisu Ugu Booriso  Oo Walaac  Ugu Qaado Ayay Tidhi( Arintan In Aanu Sameynaa Waxa Ay Daruuri U Tahay  Bad-Baadinteenna  Noloshiina  Iyo Ta Ilmahiina Yaryar ,

Baahidunna  Bakhtigay Ayay Xalaaleysaa.

Waxa Ay Aheyd  Saqdii Dhex Ee Habeenimo  Wax Walba Ku Haboon Jawiga  Deganayahay Goobtu  Waa Cidlo Iyo Ciirsi La ,  Wax Uu Bilaabay Ininkii In Afiiyo Faashkiisa   Oo Uu Soofiiyo,

Ka Dibna Waxa Uu Dhaqaaqay  Dhinaca Qolkii  Inankiisa Iyo  Martigiisa  Ay  Hurdeen Si Uu Birta Ugu Also Ninka,

Ninka Waxa  Dabada Ka Waday Xaaskiisa  Oo U Goobaabineysa  In Uu Qawraco  Faashka. Waxa Ay U Socdeen  Qunyar Qunyar  Faraha  Dushooda Ay Ku Talaabsanayeen Si Aan Loogu Baraarugin ,

Waxa Ay  U Jiheys Teen Dhinacii  Bidix Ee Ay Ku Ogaayeen  Martigooga  Halkii Uu Hurday,

Waxa Ay  Baadh Baadheen Jidhkiisa  Ilamaayo Ay Goortiisa Taabteenm,  Ka Diban Waxa  Ay Qowraceen  Sida Laxda  Loo Qawraco,

Wax Uu Timid Haweenaydiisii  Si Ugu

Wax  Uu Timid Haweenaydiisii Si Uga Caawiso  In Ay Jiidaan Raqdiisa  Dibadana U Tuuraan  Qolkana Ka Soo- Saaraan,

Ka Dibna Markay Ay Dibada U Soo Saareen Waxa Ay Arkeen  Maydka Ay Jidayaan Ee Ay Qawraceen Uu Yahay Wiilkoogii Yaraa  Kaas Oo Ay Kalidii Ay Heysteen,Waxa Ay Ka Soo Baaday Ninkiii Neef Tuur Aad U Weyn Sas Iyo Aragagax  Weyn Uu Weheliyo Gabadhiina Wey Dhacday, Halkaas  Oo Ay Labadoodiiba  Ay Suuxeen Iyagoo Miyir  Doorsoomay,

Sawaxankii Iyo Sanqadhii Ka Baxaysa Wax   Dareemay Dariskiii Wiilka La Dilay  Iyo Waalidkiisa Oo Suuxsan , Yaab Ayay La Noqotay

Waxa Ay U La Degdegeena  Biyo  Qaboob In Ay Ku Rusheeyaan Wajigooga Kadiba Markii Ay Suuxtaankii Ka  Miyir Raabeen, Waxa Ay Bilaabeen In Ay  Illmeeyaan Oo Ay Oohin Is Heyn Kari-Waayeen,

Waxayn Ka Codsadeen  In Ciidan Booliska  La Gaadhsiiyo Arintooda.

Ciidankii Baa Warreysta  Sida Ay Wax Uu Dhaceen , Waxa Ay  Ugu Qisoodeen  Arintu Sida A Wax U Dhaceen  Ilmahaygan  Yar  Ayaanu Dilnay, Waxa U La Hurday  Ninkaa Martiga Noo Ahaa Qolka Dhinca Midig  Buu K Ahurday  Furaashkii Aanu U Diyaarinay Martida   Ayuu  Ku Lulolooday  Wiilkii  Yaraa  Martigiina  Uu Isga Daayay Isagoo Ixtiraamay Inuu K Atoosiyo Wiilka Yar Hurdadiisa  Isaga Tagay Madaxna  Uu U Daboolay  Kadibna  Furaashkii  Yaraa  Ayuu Ku Seexday,

Haddaba Ninkii Wax Martiya Wax Auu Beegsaday Halkii  U Malayn In Uu Martigii Jiifo,  Si U U Qawraco  Malahiisau Filayay ,Balse  Waxa Ii Noqday  Wiilkiisa Yar Isaga Oon Moodaya Ninkii Martigiis Ahaa  Halkiibay ,

Dariskii U Kaceen In Ay Aasaan Wiilka Yar Waalidkiisan La Xidhay,

 

Qalinkii cabdicasiis cabdilaahi xirsi abaabul

 

 

 

 

[1] Maaha caadifad maah qabyaaladd iyo cunsiriyad  maah cid jecleysi balse waan arrin  xal u ah  mustaqbalka soomaaliyeed, ruusha  iyo jaynaha iyo kuuriyada waqooyi ayaa kala maarmi lah  in ay is xulufeystaan si  ay cadawgooga isaga dugsadaan, markeynka oo awoodiisu balaadhantahay ayaa xulufo ka maarmi waayay, Somaali oo qoys qudhiya ha in ay kala hingoodaan oo ay isku soo uraan caqli maah,

Advertisement

Ku Xayeysiiso