Daawo: Jordan Aabe iyo labadiisi Caruurta ahaa oo doonayey in ay guri dabaq ah iska soo tuuraan oo la badbaadiyey.


Aabe iyo laba wiil oo uu dhalay ayaa fuulay Figta Sare ee Dhisme Dheer oo ku yaal Jordan iyagoo ku hanjabay in ay naftooda dili doonaan iskana soo tuurayaan Fooqa.

Kooxaha Adeegyada nabadgelyada ayaa goobta yimi si looga hortago dhaawacyo soo gaadha , halka dad badan oo muwaadiniinta ah ay meesha ku soo buuqeen Si ay u ogaadaan Sida ay wax u jiraan iyo waxa kalifaya Aabahan iyo labadiisan Wiil.

Sarkaal ammaan ayaa sheegay in ninka iyo wiilashiisu ay dalbanayaan shaqo, isaga yidhi: “Ninkan iyo caruurtiisa Waxay Fuuleen saqafka Dabaqa toddobaad, iyaga oo ku hanjabaya inay naftooda Dili Doonaan, iyaga oo dalbanayana in ay Xuquuqdooda Shaqo Helaan .

Aakhirkiina Ciidamada Amaanka ayaa ku Guuleystay inay Qanicyaan Aabaha iyo Labadiisii Inanaba.

Ø£Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso