Rohani: Lagama Noqonayo “Islaamka iyo Jamhuuriyadda”

Madaxweynaha Iran Hassan Rowhani ayaa sheegay in shacbigiisu aysan ka noqon doonin mabaa’diida “Jamhuuriyadda iyo Islaamka”, isaga oo intaa raaciyay inaysan jirin awood adduunka ah oo bedeli karta dariiqa dalkiisu ku socdo.

Rohani ayaa hadal uu soo saaray ku sheegay mar uu booqasho ku joogay Qabriga Imaam Khomeini Arbacadii, in aanay cidi awood u lahayn ay ku bedesho shacbiga Iran.

Rohani ayaa sheegay maanta oo kale afartan sano ka hor, marnaba ma aysan dhici karayn qofkasta oo go’aan ka gaadhi kara masiirkiisa waagii xukunkii hore, isaga oo ku nuuxnuuxsaday in dadka reer Iran aysan ka laaban doonin mabaadi’da aasaasiga ah, “Islaamka iyo Jamhuuriyadda.”

Iran ayaa isku diyaarineysa dabaaldega sannad-guuradii 40-aad ee kacaanka Islaamka, ee uu hogaaminay Ahmed Mousavi Khomeini 1979-kii.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso