Gobol Indonesia ah oo Amray xijaab inay Xidhaan Haweenka Ka Shaqeeya Diyaaradaha Imanaya Gobolka!!!

Mas’uuliyiinta Gobolka Aceh ee Indonesia ayaa amar ku bixiyay in haweenka ka hawlgala Diyaaradaha inay Xijaabtaan duulimaadyada imanaya gobolkooda.

Duqa magaalada Aceh Besar Mawarda Cali ayaa sheegay Arbacadii in aysan qasab ku noqon doonin kuwa aan muslimka ahayn in ay xidhaan xijaabka, laakiin haweenka muslimiinta ayaa xidhan doonaan marka ay u soo safrayaan Aceh iyo inta ay joogaan gobolka.

Dawladda maamul hoosaadka haysata oo heshiis nabadda ah la gashay 2001-kii ya dawlad-dhexe ee Jakarta , ayaa warqad u dirtay Garuda Airlines ee Indonesia iyo dhowr shirkado diyaaradeed oo ay ku jiraan Malaysia Air Asia.

“Dhamaan shaqaalaha diyaaradaha waa in ay xidhaan xijaabka si waafaqsan shareecada Islaamka,” ayaa lagu yidhi warqadda.

Afhayeenka Garuda Airlines Ihsan Rousan ayaa sheegay in shirkadda iyo garabkeeda hoose ee CityLink ay ka go’an tahay inay fuliyaan soo jeedintan.

Garoonka caalamiga ah ee Banda Aceh, oo ah caasimadda gobolka, waxay u adeegtaa daraasiin duulimaado gudaha ah usbuuc kasta iyo sidoo kale duulimaado caalami ah oo Malaysia iyo Saudi Arabia ah.

Aceh waa gobolka kaliya ee dabaqa shareecada Islaamka Indonesia oo dadkiisa aqlabiyadiisu tahay muslimiin .

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso