Waraaqo Sir Dowladeed Oo xasaasi Ah Ayaa looga Tagay Dukaan ku yaala Australia

Hargeysa(Toggaherer)-Waraaqo Sir Dowladeed Oo xasaasi Ah Ayaa looga Tagay Dukaan ku yaala Australia.

Waraaqaha sirta ah ayaa waxa ay ku saabsanyihiin shirarkii 5 gole wasiiro oo Australia soo maray

Dowladda Autralia ayaa bilowday baaritaan la xiriira sida ay ku dhacday in waraaqo sir dowladeed oo xasaasi ah ay banaanka ugu baxeen kadib markii taleefishinka ABC ee dalkaasi uu baahiyay warbixin la xiriirta xog laga heley waraaqaha.

Waraaqahan ayaa waxa ay ku jireen armaajo laga iibsaday dukaan alaabaha horey loosoo isticmaalay lagu iibiyo oo ku yaala Cambera.

Xafiiska ra’isulwasaaraha ayaa bilaabay baaritaanka waraaqaha oo ay ku jiraan xogo aad muhiim ah oo dowladeed.

Dukaanka ayaa waxa inta badan lagu gadaa alaabaha dowladda ee laga baxay, waxayna u badantahay in qof dowladda ka tirsan oo sirtaas hayay uu armaajada qufulan iska sii iibiyay.

Qofkii iibsaday armaajada ayaa xoog ku furey qaanadaha maadaamaa furayaasha ay horey u lumen.

Sirta dowladda , gaar ahaan tan golaha wasiirada waxaa la qariyaa muddo 20 sano ah, ka hor inta aanan shacabka loo bandhigin xili la ogyahay in waxa laga hadlayo aad loosoo dhaafay, aysana jirin falcelin degdeg ah oo markaas ka dhalan karta.

Waxa ay waraaqaha quseeyaa 5tii gole wasiiro ee ugu dambeeyay ee soo maray Australia iyo waxyaabihii ay ku Shireen.

Warbixinta ABC waxaa ka mid ah in booliiska federaalka Australia ay lumiyeen illaa 400 dokumendiyo sir amni ah muddo shan sano gudahood ah.

Waxaa kale oo ka mid ah in dowladdii ra’isulwasaare Tonu Abbot ay isku dayday in ay lacagta ceerta ka jarto dadka da’doodu ay ka hooseyso 30 jir. Iyo in labo ra’isulwasaare hore oo kala ah Kevin Rud iyo Julia Gillad looga digay halista qalab guryaha lagu rakiyo , kaas oo markii dambe ay afar qof u dhinteen.

Dad badan ayaa is weeydiinaya waxa dhici lahaa haddii waraaqahan ay gacanta u gali lahaayeen dowlad shisheeye xili dowladda Australia ay ka shaqaynayso sharci ka hadlaya farogalinta shisheeye.

Advertisement

Ku Xayeysiiso