Wareysi-Gudoomiyaha Garab Haweenka Heer Qaran Xisbiga Kulmiye Ayaa Xukuumada Ku Garab Istaagtay waxkaqabashada Arrimaha sixirbararka Wadanka ka Taagnaa

Hargeysa(Toggaherer)-Wareysi-Gudoomiyaha Garab Haweenka Heer Qaran Xisbiga Kulmiye Ayaa xukuumada Ku Garab Istaagtay waxkaqabashada Arrimaha sixirbararka Wadanka ka Taagnaa.

Gudoomiyaha garabka Haweenka xisbiga Kulmiye Canab cumar ileeye oo maanta wareysi khaas ah siisay shabakadani Radio Toggaherer Ayaa Si faahfaahsan uga warantay waxkaqabashada sixirbararka wadanka ka taagnaa ,waxaanay xukuumada somaliland ku bogaadisay Go-aanadii wax ku oolka ahaa ee ay ka soo saartay waxka qabashada sixirbararka ,Lacagta lagu kordhiyey Qaadka Iyo Lacagta qalaad Ee Dollarka Oo saameyn Xoogan ku yeeshay Lacagta shilnka somaliland.

Dhanka kalena Gudoomiyaha Garabka Haweenka Xisbiga Kulmiye Canab cumar ileeye waxay Beeralayda wadanka somaliland ay Kula dardaarantay In ay wax soo saarka dalka kobciyaan oo ay sare u qaadaan,halka ay sidoo kalena dardaaran culus u dirtay salaadiinta somaliland in ay Ummadeena ka daayaan hadalada kala fogeynaaya ,waxaanay si gaara farta ugu fiiqday in Somaliland cadow farobadan leedahay ,iyadoo ay lagama maarmaan tahay in aynu ka feejignaano oo xukuumad iyo shacab-ba gacanta isqabsano.

Halkani Hoose Ka dhagayso wareysigaasi oo faahfaahsan:

Advertisement

Ku Xayeysiiso