Falastiiniyiin Ku Shiiday Beed wafdi Mareykan ah Bethlehem!!!!

Dhaqdhaqaaqyaal Falastiiniyiin ah ayaa ku shiiday Beed iyo kabo wafdi Maraykan ah markii ay ka soo baxeen Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Beytlaxam ee Koonfurta Daanta Galbeed ee la haysto.

Dhaqdhaqaaqayaasha ayaa sidoo kale hareereeyay xarunta Rugta Ganacsiga ee Beytlaxam iyagoo ka mudaaharaadaya martigelinta wafdiga maraykanka, iyagoo kor u haya boodhadh ay ku qoran yihiin ereyo aya kaga soo horjeedaan madaxweynaha Maraykanka Donald Trump iyo maamulka maraykanka .

“Waxaanu muujinay inaanu diidnay kulanka ka dhacay Xarunta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha ee Bethlehem, sababtoo ah waxaa jira go’aan uu hoggaanku qaateen oo ah in la qaadaco wufuudda Mareykanka iyo shakhsiyaadka Maraykanka ka dib go’aanka Trump ee Qudus uu ku sheegay caasimadda Israel,” ayuu Radio Bethlehem u sheegay dhaqdhaqaaqe Ibrahim Muslim. .

Falastiinigan ayaa sheegay in dibad baxayaashu ay doonayaan inay fariin u diraan wafdiga Mareykanka, diidmada dadka Falastiiniyiinta ee Taageerada Isreal .

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso