Daawo: Jiir U Maydhanaya Sida Bini Aadamka !!!!

Shabakadda internet-ka ayaa la soo dhigay fiidiyoow Jiir Maydhanaya kuna Taagan Cidhibta Cagahiisa kuna maydhaya Saabuun Jidhkiisa.

Nin reer Peru ah magaciisuna yahay José Correa ayaa soo qaaday muuqaalkan qariibka ah, warbaahinta ayaa ka soo xigatay isaga oo sheegaya sheeko sheegaysa in mar uu damcay inuu soo maydho uu dareemay jiir jooga barta qubeyska, Jiirkan oo u dhaqmey sidii bini-aadamnka, isaga oo ku nuuxnuuxsaday inuusan arkin wax la mid ah noloshiisa.

Ninkan ayaa sheegay mudadii uu maydhanayay Jiirku a dhamayd 30 ilbidhiqsi, ka dibna si kedis ah u cararay, isagoo tilmaamaya in uu rumaysan yahay inuu rabay uun oo kaliya inuu nadiifiyo naftiisa.

Laakiin khubaro jiirka wax ka taqaan ayaa ku tilmaamay sheeko aan la rumaysan karin professor Thomas Ivelo oo Wax ka dhiga Jaamacadda Finland ayaa yidhi in ay arrintu u eegtay inuu doonayo in uu ka takhaluso wax marsan dhibaatada haysataana ay tahay saabuunta lafteeda sida caadada ah Jiirku wuxuu ku nadiifiya jidhiisa ilkahiisa Ayuu yidhi.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso