Talo ku Saabsan Abaaraha

Asc,

Waxa aan raba in madaxweynaha ama xukuumadaba la gaadhsiiyo talo ku saabsan abaaraha iyo qaabka haayadaha lala maacamilo.

Waxa wanaagsan hadi madaxweyne Muuse ama madaxweyne ku xigeen Seylici xidhiidh toos iyo is barasho iyo is faham la yeeshaan madaxda haayadaha maamula laftooda. Oo ay si toos ah iyaga dalka ku casuumaan, una soo bandhigaan baaxada dadka baahan ee Somaliland abaaraha daraadood, ka dibna toos iyaga(madaxda haayadaha) ka dalbadaan in si weyn loo kordhiyo mucaawinada la siiyo dadkeena.

1. Xukuumada Ha la Kulanto oo Dalka ha ku Casunto

Madaxa Haayada Unicef
(Somaliland/Somalia)

Madaxa Haayada WFP
(Somaliland/Somallia)

Madaxa Haayada WHO (World Health Programme) Somaliland/Somalia

(si loogala hadlo wax ka qabashada iyo ka hortaga cudurada ka dhasha nafaqodarada/gaajada/biyaha wasakhaysan iwm)

Madaxa Haayada UNDP
Somaliland/Somalia

Madaxa Haayada USAID
Somaliland/Somalia

iyo qaar kaleba (intaasi waa qaar muhiim ah inkasto qaar kale oo badan ay jiraan)

2. Nooca Ugu Wanaagsan ee Mucaawino

Anigu waxa aan xukuumada kula talin laha in ay aad ugu dadaasho in ay haayadaha ka hesho kaardhadka dadka baahan la siiyo ee iyagu(haayadu) lacag ku shubaan(80 dollar bishi ama boqol ama waxa ay ku shubaan baa), kaardadkan magacyo kala duwan baa leeyihiin sida “money voucher”, “voucher”, “cash card” iwm.

2. Haayadaha Bixiya Kaardadkaas

Inkasto xukuumadu keligeed baadhi karto haayada bixiya kaardadka noocaas ah iyo iyado ururada NGO-ga dalka jooga ka weydiin karto madaama iyagu ogyihiin hadana haayad aan ogahay inay bixiso waxa ka mid ah WFP(World Food Program), UNICEF, iyo qaar kale.

3. Somalia Humanitarian Fund (SHF)

Waa haayad bixiss boqolaal milyan dollar sanad walba. Somaliland Ngo qudha lacag ka dalbaday waana Ngo la yidhaahdo TASCO (Taakulo Somaliland Community). Waxa aan kula talin laha dhamaan NGO-Yada Somaliland inay qeybtooda lacageed ka dalbadaan meeshaas, iyado mala TASCO idin tusi karto wadada loo maro helista lacagtaas.

4. Isha ku Haya

www.fsnau.org

www.reliefweb.int/country/som

Gunaanad:

Adigu hada dheregtay ogow Somalilander badan baa maalinta hal goor oo keliya maalinti cunteeya. Dadkeena aynu uu dadaalno dhamaanteen. Xukuumada gaadhsiiya taladan.

Advertisement

Ku Xayeysiiso