Kumanaan Daanyeer oo Weerar Ku Eekeeyey Laba tuulo oo ku yaal Thailand Boobayna Wixii Yaalay!!!!

Kumanaan Daanyeer ayaa weerar ku qaaday laba tuulo oo ku yaal Thailand, dukaamada iibiya dalagyada iyo qaboojiyeyaasha guryaha.

Sida ay Warisay Wargeyska “South China Morning Post” Dhacdadan ayaa ka dhacday gobolka Sisakit, iyada oo in ka badan 3,000 Daayeer oo ka soo jeeda Nooca Makaki ay weerar ku qaadeen tuulooyinka, qabsadeen meelaha guryaha ay dadku deganaayeen, waxayna burburiyeen waxyaabahii ay haysteen waxay faarujiyeen qaboojiyeyaasha cuntada lagu kaydsado.

Dadka degan tuulooyinka ayaa isku dayey inay iska caabbiyaan Daanyeeradan weerarka ah waxayna adkeysteen albaabada iyo daaqadaha, laakiin daanyeerka ayaa ku guuleystay in ay guriyaha ka jebiyaan kana galaan meelaha loogu tala galay in ay dabayshu ka baxdo.

Isla mar ahaantaana koox ka mid ah daanyeero kale waxay gaadheen oo ay bililiqeysteen macbad Buddhist-ku leeyahay iyo dukaamo ku wareegsanaa.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso