Daawo: Dagaal iyo Isku dhac u dhaxeeya Kurdi iyo Turki oo ka dhacay garoon diyaaradeed oo Jarmalka ku yaal sababo la xidhiidha Dagaalka Afrin

Dagaal xooggan ayaa ka dhex qarxay kurdi iyo Turki garoonka diyaaradaha caalamiga ah Hanover International Airport Germany, taasoo sababtay dhaawacyo labada dhinac ah.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in dagaalka ay ka qaybgaleen qiyaastii 200 oo qof, bilayska Jarmalka ayaa isticmaalay buufin qasacadaysan si loogu kala diro dadka iska hor imaadka wada.

Waxa la sheegaya in isku dhacu bilaabmay markii Kurdida oo sita calanka Kurdishka ee taageera PKK ay cagajuglaynayeen rakaab Turki ah garoonka diyaaradaha iyaga oo ka mudaaharaday hawlgalka millatari ee Turkiga ee Afrin, taasoo keentay in Turkishku weeraro Kurdiga.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso