Indonesia Laba dhalinyaro ah oo Arooskooda Ka Hor Isla Baxay iskuna dhawaaday oo Jeedaliyey!!!!

Laba Dhalinyaro ah kana soo jeeda Indonesia ayaa dhawaan lagu xukumay jeedal ama shaabuugayn ka dib markii lagu soo oogay dacwado ah inay isu dhawaadeen dhowr maalmood ka hor inta aanay is guursan.

Jeedalkan ayaa la fuliyey Jimcihii hore waxaana lagu hor fuliyey dad badan oo ku nool magaalada Aceh, sida ay warisay Daily Mirror .

Labadan Dhalinyarada ah ayaa mid kasta lagu dhuftay jeedal dhan 20 jeedal , isla baxa iyo isu dhawaanshaha guurka ka hor ayaa lagu sheegay inuu fududaynaayo doonista dhaqan xumida iyada oo aanu jirin Xidhiidh rasmi ah oo guur.

Mas’uuliyiinta magaalada Aceh waxay ku soo rogeen Ciqaabo badan sida jeedalka dembiyada qaarkood, sida cilaaqaadka ka baxsan guurka iyo ciyaarta khamaarka.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso