Bilayska Congo oo Dilay lix qof oo mudaaharaadayaal ka soo horjeeda Madaxweyne Kabila!!!

Ciidamada amaanka Congo ayaa dilay ugu yaraan lix qof ka dib mar ay isku dayayeen in ay kala kaxeeyaan mudaaharaadyo looga soo horjeedo madaxweyne Joseph Kabila oo ay soo qabanqaabisay kaniisad katooligu, sida uu sheegay Howlgalka nabad ilaalinta ee Qaramada Midoobay.

Afhayeen u hadlay howlgalka nabad ilaalinta ee Qaramada Midoobay, Florence Marshall, ayaa sheegay in 57 qof ay ku dhaawacmeen lana qabqabtay daraasiin meelo kala duwan oo ka mida Congo.

Afhayeenka booliiska Congo ayaa isna dhinaciisa diiday in uu faallo ka bixiyo dibad baxyada ka socda dalka.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso