Netanyahu oo booqasho ku jooga India hogaaminayana wafdi ka kooban boqol iyo soddon oo ay Ka mid Yihiin Ganacsato!!!

Ra’iisul wasaaraha India Narendra Moody ayaa si diirran u soo dhoweeyay dhigiisa Israel Benjamin Netanyahu, oo booqanaya India, isaga oo ku tilmaamay booqashadiisa taariikh iyo mid gaar ah.

Moody waxa uu la kulmi doonaa dhowr kulan oo uu la yeelanayo Netanyahu waxaana uu ku wehelin doonaa booqashada gobolka Gujarat.

Netanyahu waxaa ku wehlinaya Booqshadiisa wafdi ka kooban boqol iyo soddon ayna ku jiraan ganacsato,Netanyahu wuxuu sheegay in heshiisyo badan la saxeexan doono inta lagu jiro booqashada.

Hindiya waa mid ka mid ah suuqyada ugu waawayn ee warshadaha militariga Israel, waxayna raadinayaan inay soo jiitaan maal gashiga shisheeye ee dalka.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso