Walid bin Talal oo kala Xaajoonaya maamulka Sucuudiga si loo sii daayo Inuu Bixiyo Maaliyad Balaadhan!!!


Prince Waleed bin Talal oo ka mid ah ragga ugu qanisan caalamka, ayaa la sheegayaa inuu wada xaajood lacageed uu la galay xukuumadda Sucuudiga si loo sii daayo.

Prince Talal wuxuu ka mid yahay 200 oo boqoro masuuliyiin iyo Ganacsato Sucuudi ah oo ay xidhay xukuumadda Sucuudi laba bilood ka hor olole aan horay loo arag oo loogu yeedhay la dagaalanka musuqmaasuqa oo uu hogaamiyo dhaxal suge Mohammed bin Salman.

Ilaha soo baxaya ayaa sheegaya in Prince Alwaleed bin Talal uu soo bandhigay inuu bixiyo boqolaal malyan oo doolar si looga qaado eedeeymaha, laakiin maamulka ayaa diidey dalabka.

Alwaleed Bin Talal Hantidiisa maaliyadeed waxaa lagu qiyaasaa $ 17 bilyan.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso