Saacado Ka Dib Arooskeedi Ayaa Loo Dareeray Aaskeediina!!!!

Haweeney Maraykan ah gaar ahaan Gobolka Connecticut ayaa Cisbitaal ku guursatay 18 saacadood kahor geerideeda, iyada oo la daaladhacaysay n kansarka naasaha.

Heather Mochter ayaa loo Xidhay dharka arooska ee loo yaqaan Taajka waxayna ku jiiftay sariirta iyada afkana uu ugu jiro Qalabka Neefsiga ee Oksajiinta, sida ka muuqata Sawirka.

Iyada oo sariirta taal ayaa ninkeeda David Mosher loo meheray 22-kii December Cibitaalka Hartford, ka hor intaysan dhiman maalintii xigta.

Heather oo 31 jir ah ayaa jaceyl u qaaday David ka dib markii ay ku kulmeen xilli uu ahaa tababare qoob-ka-ciyaarka.

David ayaa u sheegay hay’adaha warbaahinta in maalintaas uu qorsheynayay in meherka Heather uu dhaco 23-kii December, 2016, waxaase laga helay kansar.

Laakiin waxaa dib u dhacay guurka David iyo Heather waxayna qorshaynayeen inay is guursadaan 30-ka Diseembar, 2017, laakiin dhakhaatiirta ayaa kula taliyay inay degdeg u sameeyaan soona horamariyaan.

Waxaana soo afjarmay maalintii arooskeeda, maalintii Xigtayna Maalintii Aaskeedii ama Jinaasadeedii.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso