Sagaal Ruux oo lagu diley rabshado ka dhacay xabsi Ku yaal Brazil!!!

Sagaal maxbuus ayaa la dilay 14 kalena waa ay dhaawacmeen halka daraasiin ay baxsadeen Isniintii intii lagu guda jiray rabshado ka dhacay xabsi ku yaal Brazil.

Wargeyska “O Estado de Sao Paulo” ayaa soo wariyay in 106 maxaabiis ay u suurtagashay in ay ka baxsadaan xabsiga, oo ku yaal magaalada Guiana ee u dhow caasimadda Brasilia. waxaana ay msuuliyiintu ay sheegeen in ay qabteen 27 ka mid ah halka inta kalena ay wali baxsi ku jiraan.

Warbaahinta ayaa sheegtay in mid ka mid ah sagaal ka dhintay qoorta laga jaray,dhacdadan oo kale ayaa ka dhacday Sanadkii hore gobolka Amazon oo ay ku dhinteen 56 qof qaar ka mid ah ayaa laga gooyay qoorta lana sudhay madaxyadooda derbiyada xabsiga.

Xabsiyada reer Brazil ayay ka dhacdaa sida caadada ah rabshado inta badan, Kooxaha xuquuqda aadanaha waxay ku tilmaamaan xaaladaha xabsiga ee Brazil mid adag, cunto yar, iyo in maxaabiistu silsiladaysan yihiin iyaga oo aan helin masaafad ku filan.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso