Maxaabiista Nabada iyo Dhalinyarta: Hassan Hussein Abdi (Haidaro)

Muhiimada koowaad ee qaran Soomaaliland nabadgelyada ma aha, ta labaad iyo ta saddexaad midna ma aha, dhalinyarta dalkuna waa dhalinyar qiimo badan oo samir, dulqaad aan ku ogahay, waxa ay u baahan yihiin horumar muuqda, in la jiheeyo xooga iyo tamarta ka buuxda iyo aqoon tayo leh. Nabadgelyada seeskeeda waxa dhisay ina Cigaal (AHN), dabadiina wax badan ba laga qabtay, waxa aad arkisa dad badan oo kule nabada iyo ciidamada aynu xooga saarno. Tusaale ahaan nabadgelyadu waxa ay muhiimada koowaad u tahay Soomaaliyada aynu isku marannahay si ay uga hortagaan qaraxyada iyo hawl-galada qaswadayaasha guud ahaan. Mar kasta oo Soomaaliland lagu meeraysto nabad gelyada ayaanu kharashka ugu badan ku bixina iyo iyadaanu dhisna waa arrin lagu qoslo.

Arrinta in timaha laga xiiro iyo iyagu in ay xiirtaan muhiim ma aha, wax lagu mashquulana iilama muuqato. Waxa muhiima in qofka qiyamkiisa la dhiso si uu kalsooni u helo uu ku kala doorto sida uu u noolaanayo iyo in uu cid kale ku daydo. Ka timaha si baas ula baxay iyo ka ka xiirayba waxa haysta kalsooni daro, labaduba si isku mida ayay ugu baahan yihiin in uu fahmo qofka u yahay iyo sida uu qof kale wax ugu sheegi laha ama uu u dhagaysan laha. Waxa fiican in qofka dhalinyarta ah lagu qanciyo waxa toosan ee ma aha in lagu qasbo, haddi kale waxa inaga ga lumaya wakhti badan iyo tamar badan oo aynu u baahan nahay in aynu wax kale uga faa’iidaysano.

Dhalinyartu sidda loo arka waa laba mid uun, mid walibana waxa ay ku xidhan tahay sida aad adigu wax u aragto, mar waa khayraad iyo nimco Alle oo horumarka iyo teknoolajiyada casriga ee dalka loo adeegsado oo iyaga ayaa ah fursad qiimo le, mar kale dhalinyartu waa dhib siddeeda u taagan oo waxa loo isticmaala colaadaha, boobka iyo dhaqan xumo baahsan. Marka cidda doonisa in ay dhalinyarta maamusha labadan aragtiyood mid bu aaminsan yahay, sida uu ula dhaqmaana labada falsafadood ayay mid daba ku haysa. Kuwa timaha ka xiiray dhalinyartu, waxa ay u badan tahay in ay dhalinyarta laftigeeda mushkilad u haystaan, taas oo u baahan in la xakameeyo ama la xidhxidho laakiin waxa aad ogaata ummadaha nolosha horumarka ka gaadhay dhalinyarta waxa ay u arkaan khayraad iyo fursad horumarka loo adeegsado, haddii ay khalad la yimaadaana iyaga dib isugu noqda si loo gu saxo goobaha barbaarinta, guryaha iyo aragtida lagu jihaynayo oo dib loo eego.

Aad baan uga soo horjeeda in si baas loo xiirto iyo in hablaheenu cawradooda ay soo bandhigaan inaga oo ah dad Islaama oo dhaqan Soomaalinimo haysana oo xishoodka iyo marti soorku hiddo u yahay laakiin sida dhalinyarta loo jihaynahayo ayaynu ku kala duwanahay iyo waxa ay tahay dhalinyarnimadu oo ah xili kala guur oo duufaano badan, qof kastaana soo maro. Dhalinyarta waa qofka ka yar 25 jir sidda uu dhigayo xeerka qaramada midoobay, qofki dada ka wayni yaanu ku habsaamin dhalinyarnida. Gabogabadi, Booliiska Soomaaliland shaqadiisu horta waa maxay, saw nabad sugid ma aha, Booliisku in uu timaha inamada cabira waa astaan muujinaysa in aan shaqo badani u oolin oo dalku nabad buuxda yahay, haddii dhalinyarteenu sida dalalka qaar kadeedan yihiin lama haleeleen in timaha carruurta shaqo laga dhigto.

Hassan Hussein Abdi (Haidaro)

hhmadaxyare@hotmail.com

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso