Arintani waxay keentay in dhalinyaro badan ay naftoodii isweydo kadib markii ay ku hungoobeen balan qaadkii Xukuumada kulmiye ee afka baarkiisa ahaa ee ka buuxay buugii cagaarnaa iyo bug-yarihii bugta ahaa ee qorshihii higsiga qaranka.( Somaliland Development Plan 2012-2016) Waxa ay Xukuumadii dhacday ku fashilantey in ay dhalinyarada u Qorsheyso Qorshe fog iyo mid dhow oo ay asaagooda ku higsadaan .
Waxaa shacabku isku wada raaceen in Xukuumada Kulmiye ay fahmo guurtey oo ku fashilantey qodobadan tirada badan ee hoose , Taas oo hada shacabka SL ay u cadaatey in Qorshe Hawleedkii Higsiga Qaranka ee dhalinyarada SL ( Somaliland Youth, Sport and Cultural National Plan ) ay ku fashilantey Xukuumadu oo ay ku soo koobtey oo keliya in dhalinyarada suuqa la baacsado oo qaleylka timaha lagaga xiiro ama inta maalmo la xidho la soo daayo. Qoraa Boobe Yusuf Ducaale Alleh ha daayee waxaa laga guntay….. ” Waar ilmuhu waa ilmihii timihuna waa timihii ee caqli kale keena ” !