Pakistan oo u Jawaabtay Trump: Maaliyadii Maraykanku may ahayn sadaqo Iyo samafal!!!

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Pakistan Khawaja Mohammad Asif, ayaa dhaleeceeyay eedaymaha Mareykanka ee Donald Trump uu ku eedeeyay Islamabad “inay nabadgelyo siinayso argagixisada.”

“Eedeaymaha Trump ee ku waajahan Islamabad maaha mid run ah, wayna ka qaawan yihinn gebi ahaanba xaqiiqda,” Asif ayaa u sheegay telefishan maxali ah oo ku yaal Pakistan.

Asif wuxuu tilmaamay in millatariga Mareykanka uu adeegsaday dhulka Pakistan si uu fuliyo danaha Washington ee Afghanistan.

Waxa uu sharaxay in Maaliyada uu siiyey Mareykanka dalkiisa 15-kii sano ee la soo dhaafay, ma ahayn samafal, laakiin waxay ahayd Adeeg isaga oo aan bixin tafaasiil dheeraad ah.

Madaxwaynaha Maraykanka ayaa sheegay in Washington ay u tahay Nacasnimo inay balaayiin doolar siisay Islamabad.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso