Netanyahu: Marka nidaamka Iran uu dhaco , Israel iyo Iran waxay noqon doonaan saaxiibo dhaw!!!

Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa taageeray dibad-baxyada ka socda Iran shanta maalmood isaga oo sheegay in dhicitaanka xukuumadda Iran ay u horseedi doonto “saaxiibtinimo” u dhexeysa Iran iyo Israa’iil.

“Maanta waxaan maqalnay in madaxweynaha Iran Rowhani uu sheeganayo in Israel ay ka dambeyso dibad baxyada Iran, taasi ma aha wax jira runta way ka fog tahay waana wax lagu qosolo,” Netanyahu ayaa ku yidhi qoraal khaas a oo lagu daabacay bogiisa Facebook.

“Anigu Ma Caayayo Shacbiga Reer Iran, dadka reer Iran waa kuwa geesiyiin ah, waxay u soo baxeen waddooyinka, waxay doonayaan xornimo, waxay doonayaan caddaalad, waxay doonayaan xorriyaadka asaasiga ah ee laga xarimay muddo tobanaan sano ah.”

Isagoo hadalkiisa sii wata, Netanyahu waxa uu sheegay in “xukuumadda Iiraan ay ku lumisay tobanaan billions oo doolar si ay u kiciso nacaybka, waxaa loo isticmaali lahaa in lagu dhiso dugsiyada iyo isbitaallada.” Ma jiro wax loola yaabo hooyooyinka iyo aabayaasha Iran ee wadooyinka banaanbaxa ka wada.

“Marka Nidaamkani Dhaco Maalin uun buu dhiciye, dadka reer Iran iyo Israa`iil waxay noqon doonaan Saaxiibada ugu fiican, waxaan rajeynayaa in dadka reer Iran ay ku guuleysan doonaan dadaalkooda xoriyada ah” ayuu yidhi Netanyahu.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso