Timaha qasabka lagu xiirayo Maxaa ka horreeya? Maxaase ku xigi doonna? W/Q Farxaan Maxamed Suldaan (Rakad)

Timaha qasabka lagu xiirayo  Maxaa ka horreeya?  Maxaase ku xigi doonna?

W/Q Farxaan Maxamed Suldaan (Rakad)

 

Waxaa maanta Hargeysa ka  bilaabmay ollole ka dhan ah xiirista iyo goynta  timaha sida dhaqan xumada ah loo xiirtay, kuwaas oo ay fulinayaan ciidamada booliska  oo aan tababar u haysan, sidoo kalena aan iyagu ahayn kuwo lagu dayan karo.

 

Tallaabadan waxaan u arkaa tallaabo qaldan oo qayb ka ah xoriyatul qawlka qofka,  ee lagula kaco dhalinta iyo cidkasta oo timaha si kala dheer u xiiratay,  waa aynu ognahay waa dambi, waanna dhaqan xumo in timaha si diinta iyo dhaqankaba ka baxsan loo xiirto se maxaa ka horreeya.

Waxa ka horreeya qorshe ka dhan ah Wacyi-galinta ka hor tagga  cidkasta oo si dhaqanka iyo diinta ka baxsan u xiirata, markasta oo go’aan la soo saarayo waa in la qiimeeyaa waxtarkiisa iyo waxyeeladiisa.

Dhaqanka carruurteennu wuu sii baaba’ayaa maalinba maalinta ka dambaysa, waxaanna sabab u ah wacyi-galin la’aanta haysata.

Maanta waxaan ku baraarugay dhalintii oo qasab timaha looga xiirayo!  Tallaabadani waxay ahaan  lahayd tallaabada ugu dambeysa ee la qaadayo, se waxa ka horreysay  in maalmo ka hor la soo saaro xeerar iyo digniino kuu sheegaya in haddii  lagugu arko xiirasho qaldan in  qasab lagaaga xiirayo, wacyigalintaas oo loo adeegsanayo qaybaha wacyi-galinta ee wasaarada warfaafinta, wasaarada diinta iyo awqaafta, maalmaha jimcayaasha ah, mareegaha facebookyada, iyo meelkasta oo qofkasta fariin lagu gaadhsiinayo.

Fariinta la dirayo ayaa waxa loogu nasteexayn lahaa dhalinteenna inay ilaaliyaan dhaqanka, wax badana loogu sheego, xagga wanaagsana lagala dar-daarmo,  ka dibna marka fariintu gaadho cidkasta ayaa haddii laga jawaabi waayo waxa lagu xigsiin lahaa in haddana loo digo oo la idhaa maalin heblaayo waa maalinta  timo-xiirka oo ciddii timo qaldan lagu arko waa laga xiirayaa.

 

Sidoo kale in rayiislayaasha lagu wacyi-galiyo  inaanay si dhaqanka ka baxsan  u xiirin oo ay dhalinta iyo cidkastaba  u digaan.

Maxaa ku xigi doonna?

Kolay waxkastaaba dhib iyo dheefba way leeyihiin, se waxa ku xigi doonna naceybka ka dhexeeya ciidamada iyo dhalinyarada, waxa kale oo ku xigi doonna amaro kale oo dhalinta niyad-jabinta iyadoo si wanaagsan wax loogu sheegi karayay.

Waxa ku xigi doonna dhalinyarada oo ka niyad-jabta dawlada iyo ciddii ku abtisanaysayba, waayo dhalinteennii maxaa sababay inay timahadooda iyo dharkooda ku mashquulaan waa su’aalo u baahan in la fahmo?

Haddii aan isku dayo waxa ka mida shaqo la’aanta ayaa sabab u ah, sidoo kale waxa sabab u ah dhalintii oo aan haysan goobo ay ku ciyaaraan oo ay ku mashquulaan, xitaa garoomaddii kubada ayaa lacag laga dhigay oo ganacsi galay taasina waa dhibaatooyinka la doonnayo in dawladu xaliso.

 

 

 

Runtii dhaqanka inaga xumaaday maaha timaha oo kaliya ee waxa jira dhaqanno aad u xun-xun oo dalka ka socda kuwaas oo u baahan in loo sahan tago.

Xaqiiqdii  dadkeenna dhibaatooyinka haysta waxa ka mida wacyi-galin la’aan oo marka dhibka la arko unbaa xal aan laga fiirsan la gaadhaa taasina xal ma noqoto ee wax  un bay sii fogaysaa, khaladaad badana waa la sammeeyaa.

 

Waxaan  ku soo koobayaa maqaalkan  amarkasta iyo go’aankasta oo la dhaqan galinayo ha laga horreysiiyo wacyi galintiisa, qorshihiisa iyo gaadhsiinta fariimaha ka dhan ah  oo digniin ah.

Xalka sidan oo kale ahina ha noqdo XALKA UGU dambeeya ee la gaadho.

Deg-degu wuxuu sababaa innuu dhalinta sii eryo, oo dawlada iyo shacabku is nacaan se waxkasta  waa in si degan oo qorshe iyo wacyi-galin leh ha lagu dhammeeyo.

Dhalintana waxaan leeyahay timihiinna hagaajiyo oo u xiirta sida diinta iyo dhaqanku ogolyihiin una hoggaansanaada sharciga iyo awaamiirta ka soo baxa dawlada.

Askartana waxaan leeyahay dhalintu waa idinka oo waynaaday markaa qasab iyo xoog waxba laguma hagaajiyee waxwalba wanaag iyo wax u sheeg ku dhammeeya sidoo kale askarta loo dirayo dhalinyarada ha noqdaan askar caafimaadkooda la hubo, dhaqankooda la hubo, haddii askarigii laaluusha qaadanayay  lagu idhaa orodoo carruurta timaha ka soo jar taasi waa fool-xumo, askartuba qalad bay leeyihiin dhalintuna khalad, midkastaana waxay u baahan yihiin in la saxo oo la tuso sida saxsan.

Qalabka wax lagu xiirayona waxay u baahan yihiin hubin iyo deganaan si aan cuduro looga qaadin xiiristan deg-dega ah.

 

Waxa soo diyaariyay:- Farhan Mohamed Sultan (Rakad)

Qoraa/ siyaasi / xeerdheere ganacsi

Artilce: 306

Email:     Farxaanmxd@gmail.com

Facebook:  Rakad Mxd Sultan

Berbera, Somaliland

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso