Sawirka ka hor weerarka Baabuurka Saalax iyo Qaabka Loo Dilay!!

Ilo-wareedyo ayaa xaqiijiyay in madaxweynihii hore ee Yemen Cali Cabdalla Saalax oo ay ku eedeeyeen inuu khiyaano u geystay maleeshiyada Houthi dileen Isniintii.

Sawirada cusub ayaa u muuqda xilli ay rag hubeysan oo Huthi soo weerareen gaadhigiisa, halkaasoo ay ku rasaaseeyeen iyaga oo baabuur badan jidka ku gooyay.

Sida laga soo xigtay ilo wareedyada dhexdhexaadin qabaa’ilka ah ayaa ku qanciyey kana dhaadhiciyay Saleh in uu ka tago gurigiisa Sana’a uuna tagto tuuladiisa Sinhan ee koonfurta caasimadda, halka Houthis uu balan qaaday la iskuna raacay inay siiyaan “nabadgelyo” (dhaqanka qabaa’ilka Yaman), iyaga oo ballanqaaday inaanan waxyeeleynin noloshiisa.

Dhaqanka Yemen ayaa Dhigaya ama sheegaya Kuwa khiyaamaya axdiga ama balanta waxay sameeyeen Ceeb madow.

Madaxweynihii hore ayaa kala tagay Sanca hal baabuur oo kaliya isaga iyo wiilkiisa iyo laba hogaamiye oo ka tirsan xisbigiisa.
Baabuurtan ayaa markii ay gaadheen Mandaqada Sidi, gaar ahaan tuulada Beit al-Ahmar oo ku taala Sanhan halkaas oo ay ahayd Kobta ay ku sii jeedeen,todoba baabuur oo ay ka buuxaan Xuusiyiintu ayaa taagnaa wadada Tubab.

“Gaadhiga Saalax ma baxsan karayn, maxaa yeelay toddoba gawaadhi ayaa gebi ahaanba jidkii jaray” ayay iluhu ku dareen.

Maleeshiyaadka Houthi ayaa ka dajiyey madaxweynihii hore iyo saaxiibbadiis gaadhigooda, ka dibna amar taleefoon oo ku soo dhacay ayay ka toogteen madaxa caloosha iyo madaxiisa waxaana ku dhacay ilaa 35 xabo.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso