Shan isku day oo La doonayay in lagu dilo Saleh halka kii lixaad Fulay!!!!


Dilkii madaxweynihii hore ee Yemen Cali Cabdalla Saalax ma ahayn isku daygii u horeeyey se dhawr jeer hore ayaa la isku dayay waxaanu ka badbaaday 5 isku day dil, halka kuwa ka soo horjeeda ay u suurtagashay in ay dilaan markii lixaad.

Markii Koowaad.

Bishii Juun 2011 kadib markii mucaaradku dalbadeen in Saleh uu ka dego xukunka ka dib markii kacdoon shacbi ah uu dhacay, madaxweynihii hore ee Yemen ayaa la isku dayay in la dilo isaga oo ku jira masaajidka Dar Al-Rasiya iyaga oo ay wehelinayeen masuuliyiin iyo hoggaamiyeyaal Xukuumada ah iyaga oo ku jira salaadda Jimcaha. Maalintaas oo ay mucaaradku ugu magac dareen “Jimcaha Amniga iyo Nabadgalayda”.

Isku Daygan Dilka ee Saalax oo ay ku Dhinteen tobaneeyo Saraakiil ahi kuna dhaawacmeen ilaa 220 kale oo ay ku jiraan tirooyin caan ah sida ra’iisul wasaaraha, afhayeenka baarlamaanka iyo wasiirka difaaca halka Dhaawaca Cali Cabdale Saalax soo gaadhay uu noqday in Jidhkiisu Xoog u gubtay.

Saacado ka dib, Saleh wuxuu shacabka reer Yemen u sheegay inuu ka badbaaday iskuday dil, isaga oo ku baaqay fariin cod ah oo uu soo diray ku sheegay in la nadiifiyo hay’adaha dawladda.

Markii Labaad.
Bishii Juun 2015 Saleh waxaa toogtay afar Sarkaal baabuurkiisa,Warbaahinta dalka Yemen ayaa sheegtay in ilaalada Madaxweyne Saalax ay laba Dileen halka ay labadii kalena Toogteen.

Markii Saddexaad.

Shan sano ka dib isku daygii dilkii ugu horreeyay, madaxweynihii hore ee Yaman ayaa la isku dayay isku day dil oo cusub si la mid ah. Bishii Sebtembar 2016, ilo ku dhow madaxweynihii hore ayaa shaaca ka qaaday in xoogagga gaarka ah ee difaaciisu ay ku guuleysteen in ay ka hortagaan in lagu dilo masjid inta lagu jiro tukashada qaabkii uu u dhacay isku daygii masaajidka Golaha Madaxtooyada badhtamihii 2011.

Ilahan ayaa sheegay sida ay qortay Yemen Press in ciidamada ammaanka ay xidheen siddeed qof, oo ay ku jiraan imaamka masjidka “Saleh”, halkaasoo ay qorsheynayaan in ay ka takhalusaan Saalax iyagoo soo gelinaya qalab qarxa masjidka, iyaga oo intaa raaciyay in imaamka masjidka uu ka qayb qaatay waxyaabahan oo lagu horumarinayo qorshaha lagu takhalusi lahaa Saleh.

Markii Afaraad.

Bishii Oktoobar 2016 Saleh waxa uu ka badbaaday isku day dil oo Huthis la beegsaday iyaga oo ku go`doomiyey Jabal al-Nukm ee Sanaa,ka dibna waxa isku dhacay labada dhinac dagaallo dhexmaray Xuusiga iyo ilaaliyayaashiisii, kuwaas oo dilay afar ka mid ah ilaaladii madaxweynihii hore iyo 3 Huthis oo ku yaala Jidka 50aad ee Sana’a.

Markii Shanaad.

Bishii Agoosto ee sanadkaan 2017 Saleh waxaa la isku day in la dilo markii rag hubeeysan oo Xuusi ahi ay damceen in ay toogtaan marka uu ka soo baxo Gurigiisa kaas oo ay fashiliyeen ilaaladiisu isku daygan ayaa ahaa in la toogto gaadhigiisa marka uu ka soo baxo Albaabka koonfureed ee Gurigiisa marka uu tagayo sanad guurada 35 aad ee ka soo wareegtay aasaaska Xisbigiisa oo lagu qabanayay Miidaanka 70.

Markii Lixaad uguna dambeysay.

Galabtii Isniintii (4 Diseembar 2017), Cali Cabdalla Saalax ayaa loo geystay isku day dilkii lixaad iyo kii ugu dambeeyay ka dib markii Houthis ay madaxa ka toogteen kaas oo uu markiiba u dhintay halkaas oo iskudayadii dilkiisu ku dhammaaday.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso