Waqooyiga Kuuriya: Shaydaan-ka Nuclear-ku wuxuu isu diyaarinaya inuu na Weeraro!

Waqooyiga Kuuriya ayaa si xoogan u cambaareeyay rabitaanka ciidamada Mareykanka iyo kuwa Kuuriyada Koonfureed si ay u bilaabaan dhoola tus milatari oo wadajir ah Isniinta, iyagoo ugu yeedhay Maraykanka “Ibliis-ka nuclear-ka”.

“Tani waxay si cad u muujineysaa cidda dhabta ah ee doonaysa dagaalka nukliyeerka ah, oo ah shaydaanka nukliyeerka oo burburinaya nabadda iyo isdhexgalka nabadgelyada Gacanka Kuuriyada Koonfureed iyo adduunka oo dhan,” ayaa lagu yidhi war saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Wasaarada Khaarajiga ayna qortay wargeyska Nodun Sinmun.

Maraykanka iyo Kuuriyada Koonfureed waxay isku diyaarinayaan in ay bilaabaan dhoola tus milatari oo wadajir ah “The Pilot Aware”, oo la qorsheeyay inuu dhaco laga bilaabo 4 ilaa 8 Diseembar.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso