Jarmalka oo Magangalyo-doonka u Balan Qaaday Inay Lacag Siin Doonaan Cidii Ku Noqonaysa Dalalkooda !!!

Dawladda Jarmalka ayaa go’aansatay inay kordhiso gargaarka dhaqaale dadka loo diido magangalyo-doonka si ay ugu dhiirrigeliso inay si iskood ah ugu noqdaan dalkooda.

Wargeyska Bild ayaa sheegay in taageerada xukuumaddu ay noqon doonto in dawladdu ay siin doonto deeq lacageed oo ah 1,000 euro oo loogu talagalay dadka qaangaadh-ka ah ee doonaya inay dalkooda dib ugu noqdaan, 600 oo Euro na dadka da’doodu ka hooseyso 12 Sanno jir.

Warbixinta ayaa sheegtay in dawladdu ay billowday barnaamij lagu magacaabo “Your Future Country”, kaasoo socon doona ilaa 28 Febraayo, wuxuuna bixin doonaa kaalmo dhaqaale oo dheeraad ah oo ah € 3,000 oo qoysaska doonaya inay ku noqdaan dalalkoodii si ay uga caawiyaan inay buuxiyaan baahidooda aasaasiga ah.

Wasiirka arrimaha gudaha Jarmalka Thomas de Mezier ayaa waydiistay magangalyo-doonka in ay ka faa’iideystaan barnaamijka kuna noqdaan Dalalkoodii.

Qaar ka mid ah 8,639 magangalyo doon ah oo codsigoodii magan galyada ee Jarmalka la diiday ayaa si iskood ah u codsaday in ay guryahooda dalalkoodii ku noqdaan laga bilaabo Febraayo ilaa Oktoobar sannadkan.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso