Giriiga Oo Magdhawg siinaya dhibbanayaasha daadadka ku wax yeeloobay

Giriigga ayaa ku dhawaaqay in ay bixin doonaan malaayiin lacageed oo ah magdhow deg deg ah lana siin doono boqolaal qoys oo ay saameeyeen roobabkii duufaannada ahaa ee galbeedka Athens ayna ku dhinteen ugu yaraan 20 qof isla markaana dhaawacay daraasiin.

Boqolaal guryo iyo xarumo ganacsi oo ku yaal Mandra iyo Nia Pyramos ayaa si xun u waxyeeleeyay markii ay daadadku soo rogmadeen.

Labaatan qof ayaa dhintey laba kalena weli waa la`la yahay waana dhaawacii ugu xumaa tan iyo 1977-dii markii ay ku dhinteen in ka badan 30 qof.

Afhayeen u hadlay xukuumadda Dimitris Zanakopoulos ayaa sheegay in Xukuumadu siin doonto dhibbanayaasha daadadka illaa 5,000 oo Euro ($ 5896.50) qoysaska iyo 8,000 oo yuuro ganacsatada isaga oo intaa ku daray in lacagtu ka iman doono miisaaniyadda guud.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso