Askari Faransiis ah oo dilay 3 qof kadibna is-dilay

Askari Faransiis ah ayaa dilay saddex qof oo uu ku dilay hubkiisa xukuumadda waxana uu dhaawacya saddex qof oo kale oo uu ku jiro saaxiibtiis oo doonaysay inay kala hadhaan kadibna uu is dilay sidaasi waxaa yihdi mas’uul ka tirsan garsoorka Dalka.

Sida laga soo xigtay baadhitaan hordhac ah sarkaal bilays ah Arnaud Martin ka dib markii uu dhammeeyey shaqada habeenimadii Sabtida Paris wuxuu tagay Sarsel waqooyiga caasimadda halkaas oo uu kula kulmay saaxiibadiisii hore isaga oo wata gaadhigiisa si uu ugala hadlo kala tagooda.

Ka dib markii Doodu kulaaltay afkuna ka xumaaday Asariga oo 31 Sanno jir ah ayaa ka dhaawacay wajigeeda ka dib na waxa uu rasaas ku furay laba ruux oo kale oo soo dhex galay ka dibna dhintay Mid ka mid ah wuxuu ahaa 30 jir halka ka labaadna uu ahaa nin 44 jir ah.

Dabadeedna askariga booliska ah ayaa tagay guriga Qoyska Saaxibadii halkaas oo aabaheed ku dilay hooyadeed iyo walaasheedna dhaawacay halka uu Eygii qoyska na toogtay sida laga soo xigtay Xeer ilaalinta.

Maydka Askariga booliska ah ayaa dabadeed laga helay beer isaga oo madaxa iska toogtay Wasiirka Arrimaha Gudaha Gerard Coulomb ayaa sheegay in askariga bilayska ahi uu gabi ahaanba lumiyay deganaashihiisa kana xoog roonaatay cadhadu.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso