Milkiile Dukaan oo ka Yaabsaday Tuug Ka dib markii uu Rasaas Dabada u qabtay

Sawir laga qaaday kamarad ilaalada a ayaa muujisay daqiiqado naxdin leh, Nin dukaan ku leh gobolka Louisiana ayaa toogtay tuugo isku dayay inay dhacaan ama boobaan meheradiisa.

Qaar ka mid ah tuugta ayaa burburiyay dukaan raashin le ah magaalada Wardville ka hor intii aan midkood qori ku qaban mulkiilaha dukaanka Frank Issa.

Sida laga soo xigtay Daily Mail raga hubeysan ayaa Issa ka dalbaday inuu lacagta hayo siiyo.

Laakiin Issa walaalkiis ayaa ku guulaystay inuu soo jiito dareenka tuugta isaga oo siinaya waqti ku filan Issa inuu la soo baxo bistoolad shakhsi ah oo ku jirta hoosta jaranjarooyinka.

Issa ayaa isla markiiba Rasaas ku furay Tuugtii markiibana cagaha ayay wax ka dayeen iyaga oo ka yaacay Dukaankii Raashinlaha lahaa.

Milkiilaha dukaanku waxa uu xaqiijiyay in uu midkood ka dhaawacay caloosha mid kalena gacanta.

“Hal tuug ayaa tagay isbitaalka halka mid kale oo qof yar ah isna la daweeyey,” ayuu yidhi William Earl Helten oo ah madaxa bilayska.

Halka kii Sadexaadna Wali la baadi goobayo.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso