Duqa magaalo Maraykan oo iska casilay geeridiisa hal maalin ka hor

Wakaaladda Associated Press ayaa soo warisay in dawladda Maraykanku ka heshay Pennsylvania Brandon Wintz oo ah 23-jir oo mar ahaa duqa magaalada Mouton isaga oo mayd ah.

Wakaalada waxa ay sheegtay in natiijooyin la helay qaliin lagu sameeyey Maydka aan wali lagu dhawaaqin….

Brandon Wintz ayaa maalin ka hor dhimashadiisa ka tagay ama iska casilay duqa Arbacadii sababtoo ah go’aankiisa qoyskiisa ee u guuray magaalada kale.

Wintz ayaa ahaa duqa magaalada tan iyo Febraayo 2016, Ninka dhalinyarada ah ayaa isutaagay inuu ka shaqeeyo adeegga dawladda, isaga oo raacay raadkii ayeeyadiis oo ahaa duqa magaalada ugu horeeyay ee Mouton Carbon iyo sidoo kale hooyadiis oo ka shaqeyn jirtay golaha degmada.

Ninka dhallinyarada ah ayaa wax ka abarnayay jaamacadda waxaana uu ku riyoonayay inuu ka noqodo qoraa Maraykanka iyo wixii ka baxsan.

Marka loo eego tirakoobkii 2010 dadweynaha Mouton Carbon waxay ahaayeen 91 qof Waa degmada ugu yar degmada Schweeckel.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso