Siyaasi Cabdiqaadir Cali Obsiiye Oo Koomiishanka Doorashooyinka Qaranka Ku Hambalyeeyey Hakinta Adeegsiga Baraha Bulshaddu Ku Kulanto Ee Internet-Ka Maalinta Doorashadda Codbixinta

Siyaasi Cabdiqaadir Cali Obsiiye oo ka mida Siyaasiyiinta Madaxa banaan ee reer Somaliland kana tirsaneyn, ayaa Guddida Koomiishanka Doorashooyinka Somaliland ku hambalyeeyey go’aanka ay ku gaadheen Hakinta  ama in hawda laga saaro Adeegsiga dhamaan Baraha Bulshaddu Ku Kulanto Ee Internet-Ka laga bilaabo  Maalinta Doorashadda Codbixinta ilaa inta natiijada lagu dhawaaqayo.

Cabdiqaadir Cali Obsiiye oo shalay Shir Jaraa’id Hargeysa ku qabtay ayaa sheegay in guddida doorashooyinka qaranka ee Somaliland uu ku hambalyeynaayo isla markaana uu si weyn ugu taageersan yahay go’aanka laga soo saaray in hawada laga saaro dhamaan adeegyadda Baraha  Internet-ka ay Bulshaddu ku kulanto sida FACEBOOK/TWITTER/INSTGRAM,VIVER iyo kuwo kale oo la hakin doono inta ay Doorashadda Madaxtooyaddu dalka ka socoto, waxaanu sido kale fariin u diray siyaasigu bulshadda Somaliland oo uu ugu baaqay inay iska ilaabaan qabyaaladii ay Xisbiyaddu kala dhex dhigeen intii ololaha doorashadu socday oo ay gaadhka ka wada qabtaan ilaalinta nabadgelyadda inta ay doorashadu socoto.

Siyaasi Obsiiye waxa uu ugu horeyn hambalyo iyo taageero ku socota guddida Doorashooyinka qaranka u diray waxaanu yidhi “Waxaan doonayaa in aan halka hambalyo uga diro guddida doorashooyinka qaranka ee Somaliland oo runtii marxalad yacnihii wanaagsan ay marayso hawshooda maamulista doorashadda madaxtooyadda ee todobaadkan dalka ka qabsoomi doonta si wanaagsana wax u wada, waxaan leeyahay barnaamijka ay soo jeediyeen ee ah in la xidho Baraha Bulshadda, waxaan leeyahay waa taageersanahay , waana idinku la shaqaynayna waana idinkula barbar taaganahay, waxa lagu jira marxalad xaasaasi ah, waxaynu galaynaa mar xalad tan ka sii daran kana sii xaasaasisan, waxa laydinka baahan yahay hadii aad tihiin guddida doorashooyinka qaranka feejignaan badan oo baraarugeeda yeesha ayaan idin leeyahay, masuuliyadda aad qaadeen maaha mid fudud bulshaddiina waa idin eegaysa taariikhda waa ku gelaysaan sax iyo qalad midkii aad xaq soortaan Illaahayna waa idin kula xisaab tamayaa natiijadda laydinka eegaayo caddaaladdeeda”

Ugu dambeyntii Cabdiqaadir Cali Obsiiye waxaanu yidhi “Waxaan inta ku darayaa baaq aan kula hadlaayo bulshadda reer Somaliland Ishaalaahu tacaala, waxaan leeyahay maanta waxaynu maraynaa meel aad u xaasaasiya , waxaynu ka soo baxnay 7-ba maalmood oo aad u xun oo  runtii dadkii lagu kala Irdheeyey Qabyaalad iyo Qudhun ayaa  la dhex dhigay, waxaan leeyahay ma ahayn wax ku haboon in xisbiyaddu wax sidaasi oo kale u xun ay bulshadooda u quudhaan oo ma ahayn in dadka reer Somaliland dib loogu celiyo dhawr iyo Sagaashankii waxay ahayd in barnaamijyo iyo waxqabad la la yimaado iyo in uu qofku ku kalsoonaado Illaahay in murashax kasta wuxu Illaahay u qoray uu codka bulshada ka helaayo , marka waxaan leeyahay waa in dadku walaaltinimadii iyo Somalilandnimadii iyo wada dhalashadii ay u soo noqdaan oo xiqdigii iyo xumaantii xisbiyadda ay kala dhex dhigeen ay iska ilaabaan nabadgelyadda Somaliland ay wada ilaashadaan inta ay doorashadu socoto”

Advertisement

Ku Xayeysiiso