Sawirka Hitler oo laga Qaaday Matxafka indonesi ah


Matxaf Indonesian ah ayaa ka qaaday Sanam ka samaysan sawirkii Adolf Hitler oo shacbiyad badan u soo jiidi jiray martida maktabadda sawirona ay iskaga qaadi jireen.

Sawirrada dadka soo booqda ee sawirka Hitler ayaa si xoog leh loo soo dhigaa ugana soo muuqda bogagga shabakadaha bulshada .

Dareen cadho oo ka yimid daafaha adduunka oo dhan wuxuu keeney matxafka Di Arca ee Jakarta in laga qaado Sanamkan.

“Ma dooneyno in aan cidna ka xanaajinno,” ayuu yidhi Jamie Mesbah oo ah agaasimaha howlaha matxafka. “Waxaan rabnay inaan wax barno dadka.”

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso