Faransiiska oo Baadhaya Eedeysanayaal isticmaalayay Telegram iyaga oo qorsheynayaa hawlgalo argagixiso

Baadhitaanku wuxuu si rasmi ah uga bilaabay Faransiiska iyada oo siddeed qof lagu eedeeyay dambiyo la xidhiidha argagixisannimo, kuwaas oo 7 ka mid ah la xidhay.

Toddobada la qabtay Salaadadii intii lagu jiray qabqabasho xidhiidh ah oo ka dhacday Paris iyo koonfurta France.

Haweeney 23 sano jir ah oo reer Colombia ah ayaa sidoo kale lagu qabtay dalka Switzerland isla baadhitaankan.

Dadka la xidhay ayaa lagu eedeeyay inay qorsheynayeen weerar argagixiso iyada oo loo marayo isku-dubaridka farriinta Telegram.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso