Mas’uuliyiinta Pakistan oo sii daayay 68 kaluumaystayaal Indian ah


Mas’uuliyiinta Pakistan ayaa ku dhawaaqay in ay sii daayeen 68 kaluumaystayaal Indian ah oo ay ku eedeeyeen inay soo galaan biyaha dhulkooda iyagoo aan fasax haysan.

“Kalluumeysatada ayaa laga sii daayay xabsiga Malir ee Karachi,” sida ay soo warisay Agence France-Presse kana soo xigtay Afaq Ridfi oo ah sarkaal ka tirsan xabsiga Malir.

Ridfi ayaa sidoo kale sheegay in waddankiisa ay wali hayaan 380 kalluumaysato Indian ah.

Kaluumaystadan Reer India ee la sii daayay ayaan ahayn kuwii u horeeyey ee noocooda ah ee ay sii dayso dawladda Pakistan, Bishii July ee ina dhaaftay ayay sii daayeen 78 kalluumeysato ah oo loo xidhay inay u soo galeen Biyaha Pakistan si khalad ah.

Kalluumeysatada Hindiya iyo Pakistani ayaa inta badan loo xidhaa kalluumaysi sharci-darro ah maxaa yeelay Doonyaha kalluumeysatada oo aan helin tiknoolajiyada saxda ah ee lagu ogaado halka aad joogto.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso