Dhimasho ka dhalatay Rasaas Lagu Furay Daawadayaal Ciyaar Kubada Cagta.


Afar nin oo hubeeysan ayaa rasaas ku furay dad daawanayay ciyaar kubadda kubadda cagta magaalada Chilpancingo ee gobolka Guerrero Mexico.

Sida laga soo xigtay idaacada “Nautisias Mvs” ayaa sheegtay in weerarku uu keenay dhaawaca saddex qof oo laba ka mid ah ay dhinteen markii dambe halka ay dhakhaatiirtu la halgamayaan badbaadinta kii saddexaad oo lagu tilmaamay inay xaaladiisu culus tahay.

Wax faahfaahin lagama bixin waxa keenay dhacdada iyo cida ay yihiin kuwa geystay dembiga.

Sida laga soo xigtay saraakiisha gobolka Guerrero ayaa sheegay inay ka mid tahay meelaha ugu khatarta badan Mexico. Intii u dhaxaysay January ilaa September ee sannadkan gobolka ayaa diiwaan geliyay 1072 fal dil ah.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso