Kuwait oo  Balan Qaaday in ay Ciqaab Marin Doonto  Kuwa Sagsaaga Shaqada Qaran ee Ciidanimo!!!!


Kuwait ayaa u digtay cid kasta oo khilaafta ama sagsaagta ka qayb qaadashada Shaqada Qaran ayna la kulmi doonaan ciqaab adag oo sugaya.

Madaxa hay’adda  Major General Ibrahim al-Amiri ku sheegay shir jaraa’id: “Diiwaan-gelinta iyo dib-u-eegista  waxay gaadhi doonaan qorayaasha Ciidanimo marxaladda soo socota,” waxaanu ku hanjabay in ay la kulmi doonaan ciqaab ilaa 5 sano oo xadhig ah.

Al-Amiri ayaa xaqiijiyay in tirada Shaqada Qaran ay ka badnaayeen 2500 oo Kuwait ah, halka 800 ay ku fashilmeen inay ku biiraan  Gudiduna  ay dacwad ka gudbiyeen qaar badan oo ka mid ah Agaasinka Guud ee Baadhitaanka si ay u tixgeliyaan.

 

“Ma xaddidi karno tirada dadka ka baxsan adeegga ka hor inta aanad u yeedhin oo aanad ogaan duruufahooda,” ayuu raaciyey. “Waxaannu u qoondeynay guddiyada si ay u tixgeliyaan ka-dhaafitaannada iyo dib-u-dhacyada sida waafaqsan Sharciga Adeegga Qaranka.”

 

Major General Kuwaitiga  wuxuu sheegay in dadka ay qoranayaan ay u qaadan doonaan 40% tababarka milatari halka 60% loo qaadanayay  gargaarka degdeg ah iyo difaaca Madaniga iyo adeegyada kale wuxuuna intaa ku daray in kuwa loo yeedhayo ay baadhitaan caafimaad ku qaadan doonaan cisbitaalada iyo xarumaha caafimaadka.

Al-Enezi wuxuu sheegay in Sharcigu u arko in dambi tahay in Shaqada Qaran la Sagsaago waxaanu marayaa ciqaab xadhig oo shan sano oo xabsi ah iyo ganaax ilaa 10 kun oo dinar ah (oo u dhiganta 33 kun doolar).”

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso