Dhimasho iyo daraasiin ayaa lagu waayay doon ay ku Qaxayeen Rohingya Lagu Xasuuqayo Burma

Ugu yaraan shan qof ayaa ku dhintay waxaana la la`yahay Tobanaan kale ka dib markii doon ay saarnaayeen Dad Muslimka Rohingyas ee Burma iyaga oo u qaxayay Bangladesh, Sidaana waxa sheegay Ciidanka Ilaalada Xeebaha Bangaldhesh .

“Doonta waxa saarnaa ilaa 50 qof markii ay ku dhufteen afka webiga Naf Waxaanu helnay Shan Dhimasho ah oo Afar Caruur Yihiin Waxaananu Badbaadinay 21 kale” ayuu yidhi Gaashaanle Sare Arif al-Islam.

In kabadan nus milyan Rohingyas ayaa ka qaxay waqooyiga Rakhine hal bil si ay uga baxsadaan hawlgallada milatari ee ciidanka iyo Buudhiisku wadaan kaas oo ay Qaramada Midoobay ay ugu yeedhay “jinsiyad nadiifin.”

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso