Dhaqdhaqaaqayaal Kurdish oo Ka dalbaday sii deynta Ocalan gudaha xarunta dhexe ee “AFP”

Ku dhowaad 20 dhaqdhaqaaqayaal Kurdishka Turkiga ah ayaa galay xarunta dhexe ee Agence France-Presse ee Paris halkaas oo ay ka dalbadeen in la sii daayo hoggaamiyaha PKK Abdullah Ocalan oo Turkiga lagu hayay muddo 18 sano ah.

Dibad-baxayaashan waxay ku qaylinayeen “Free Ocalan”, iyaga oo sitay Sawirka Hogaamiyahooda iyaga oo dhismaha joogay muddo saacad ah Wajahada Dhismahana Sudhay Sawir weyn oo Hogaamiyahooda ah, Waxa kale oo iyana goobta yimid kuna soo ururay ilaa 100 qof oo kale oo ka mid ah dhaqdhaqaaqayaal dibada xarunta dhexe ee Wakaalada ee caasimada Faransiiska.

Kooxdu waxay ka tagtay Xarunta Wakaalada ka dib markii ay wadahadal la yeesheen Xafiiska Tifaftirka iyada oo aan wax dhibaato dhicin.

Cabdulahi Ocalan hogaamiyaha xisbiga laga mamnuucay Turkiga ayaa lagu hayaa jasiiradda yar ee Imrali Waxaana lagu xukumay Dil 1999-kii kahor inta aan xukunka loo bedelin xabsi daa’in.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso