Qoys Maraykan-Kandiyaan ah oo Gurigoodii ku Noqonaya 5 sano oo Afduub loo Haystay kadib..

Wargeyska New York Times ayaa sheegay in la sii daayay muwaadinad Mareykan ah iyo ninkeeda oo ahaa Kanadiyaan iyo laba caruur ah oo ay dhaleen ka dib markii ay ku dhowaad shan sano ay haysteen qoyskan Koox hubeysan oo ku sugan Afghanistan.

Keetlin Coleman oo 31-jir ah iyo Josh Boyle oo 34-jir ah iyo labadooda Caruur ah ayaa la sheegay in la geeyay Pakistan maalin-nimadii Khamiista sida ay sheegtay jariidaddu.

New York Times ayaa intaa ku dartay in dowladu ay gacan ka geysatay xoraynta dadka la haystayaasha iyada oo aan la sheegin in Afduubayaashu ay heleen madaxfurasho iyo in kale.

Waxaa xusid mudan in “Kooxda Xaqaani ” ay afduubeen Colman iyo Boyle bishii October 2012 meel u dhow caasimada Kabul, Coleman waxay xilligaa ay lahayd uur waxayna dhashay laba Caruur ah Mudadaa.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso